Skip to main content

Posts

Muhiimada ay leedahay in aad yeelato caaddo wax akhris!

  Qofkasta oo aad hiigsataa noloshan waxa aan kuu hubaa in uu yahay qof kaa wax akhris badan, waana sababta aad ugu aragtid in uu kaaga  horeeyo xaga horomarka nolosha,uuna ku dayasho mudan yahay ama mudan tahay. Lahaanshaha caaddo wax akhris waa mid aad muhiim ugu ah noloshaada, khaasatan haddii aad rabto hormarka noloshaada ay kugu tahay khasab in aad yeelato caaddo wax akhris.Waxaa ah mcquul in aad ku hesho buug figrad taas oo ku qaatay qoraaga in uu ogaado{ to reveal } muddo aad u dheer taaso wax badan ka badili karta  noloshada kuuna horseedi karta dhabo saxan oo nololeed. Waxa ay dhahaan qofka leh caaddo wax akhris waxaa uu noolaada saddex qarni, kan uu hada nool yahay,kan uu wax ka akhrinaayo iyo mustaqbalka oo uu saadaalin karo isagoo isticmaalaya casharadii uu ka soo akhriyay qarnigii lasoo dhaafay,maxayeelay taariikhdu badana iyadaa dib isku qorta.  Bilowga caaddada wax akhrisku waa ay yara adag tahay,laakiin haddi aad nafta ka adkaato, mudana aad sii ...

Aaminaadu iyadaa ah xirfad!

  Aad bay u adag tahay in aad aaminto in ay macquul tahay in aad ka guul gaarto waxa aad ku naaloonayso, laakiin mar haddii aad aaminto in ay macquul tahay waxa aad jabisay mid kamid ah qufuladii ugu waaweenaa ee ku xirnaa maskaxdaadda.   Mar haddii aad sifiican u taqaano xirfada lagu magacaabo aaminaadda waxa ay u badan tahay in aad ka guul gaarto waxa kasta oo aad maanka ku hayso xaqiijintooda, maxaa yeelay dadka badankood waxaa aad ugu adag in ay aaminaan in ay macquul tahay ayna ka guul gaari karaan. Mar haddii ay aad ka dhaadhiciso naftaada si qoto dheerna aad u aaminto, waxa aad ka adkaatay qofkii yaraa ee kugu dhex noolaa oo had iyo jeer kuu sheegi jaray in aysan ahayn macquul.Naftu had iyo goor waxa ay raadisaa aaman meel ay ku dareemayso, waana sababta marka aad istiraahdo wax cusub samay ay badanaa kuugu soo dag dagaan fikradaha ah in aysan suurtagal ahayn,maxa yeelay naftu mataqaano halka uu kusoo gaba gaboobi doono safarkan cusub ee aad gashay{ the destination }. W...

Noqo the 1 percent!

Baro waxa aysan baran, akhri waxa aysan akhrin ,daawo waxa aysan daawan ,samay waxa aysan samayn, kuna dambay noqoshada xidiga ama xidigada laga tilmaamo bulshadaas. Sidee ku noqon kartaa xidiga ama xidigada qura? Waxaa ah wax maanku diido in aad samayso wax limada wax ay bulshada oo dhami samayso kadibna aad sugto natiijo ka duwan tii usoo baxday iyaga,Haddii aad ku naaloonayso in aad noqoto qof ka duwan bulshada waxaa waajib kugu noqonaysa in aad daahfurto waddo aan hore loo qaadin ama loo marin. Nolosha xaga sare waa cidla! Dadku sida ay u badan yihiin waxa ay joogaan nolosha xaga hoose ,iyagoo isku dagaalaya halkaas una baratamaya.Nolosha xaga hoose waa buuq, laakiin xaga sare waa cidlo sababtoo ah waxaa yar dadka taga halkaas ama gaara dabaqadaas, maxaayeelay dadka oo dhami waxa ay isdhiibaan inta ay kusii jiraan waddadii ay ku tagi lahaayeen xaga sare ee nolosha Tagida xaga sare ee nolosha waxa ay kaa dalbanaysaa daddaal iyo in aad dhiddidka sayrto! Waxa ay dhahaan dadka caajislo...

Yaan laggaa tagin!

  Adoo ah jiilka lagu magacaabo{  z }loona qirsan yahay in aad tahay jiilkii ugu nasiibka badnaa uguna fursadaha badnaa ee soo mara koonkan ayaad dayacaysaa fursadahaas social mediana unasasho tagaysaa. Jiilka lagu magacaabo{  z } ayaa waxa loo tix galinayaa in uu yahay jiilkii ugu nasiibka badnaa ee ku noolaada aduunkan iyada oo ay ugu wacan tahay technologyida iyo sida ay wax kastaa ay isku badalayaan maalinkasta loona soo kordhinayo wax cusub. Maxaa ay uga qatan yihiin dhalinyarada soomaaliyeed is badalka ka socda aduunlka? Dhalinta soomaaliyeed waxa ay uga qantan yihiin in ay qayb ka noqdaan dadka dhaqaajinaya aduunkan waa in ay usoo nasasho tagaan baraha bulshada, maxaayeelay  isbadalka la sheegayoba waxa uu ka socdaa baraha bulshada, laakiin nasiibxumo dhalinta soomaaliyeed waxa ay u isticmaalaan dhanka xun,halka dhigoodna ay u isticmaalaan siddii ay wax cusub ugu soo kordhin lahaayeen koonkan. Siddee bay uga daba tagi karaan isbadalkaas dhalinyarada soomaaliye...

Dhibku kulama dhalan,guntuba marbay gob noqotaaye,halkee lagaa haystaa adiga?

  Noloshaan qofkasta oo aad u tix galinayso xogaaba ha ahaatee in uu ku guulaystay waxa uu qabtay shaqada aad ka cararayso qabashadeeda. Waxaa ah wax la isku wada raacsan yahay in aakhiro iyo aduunba ay kaa dalbanayaan in aad labadaba u wada shaqaysato,laakiin innagu waxa aan aaminsanay wax aan waxba ka jirin {myth}  oo meel iska fariisiyo aduunkaan gaallo baa la siiyay,laakiin waxaa xaqiiqa in eebe ina faray in aan talosaarano ka dibna aan la imaano ficilkii. Sidee loo saxaa jihada ay ku socoto noloshaadu marlabaad? Xaqiiq waxaa ah sida ugu wanaagsan ay tahay in loo jiheeyo noloshaada waa in aad qabato maalinkasta  {day in and  day out} wixii dantu kuugu jirto,waxa aan kawada dharagsan nahay in aan lee nahay labo cadow waana nafteena iyo shaydaan kuwaaso nagu jiheeya qabashada waxa aan danta innoo ahayn naguna mashquuliya wax maalaayacni ah {trivial things} . Maxaa aynu ka aamin sanahay guusha? Waxa aynu u haysanaa ama nalaka dhaadhici yahay in  ay guushu tahay...

Ku noolaanshaha Soomaaliya cuddudaar kuu noqon maysee what are you waiting for?

  Waa aan ka dharag sanahay ku noolaanshaha soomaaliya in aysan kuu diyaarinayn nooca qof ee aad rabto inaa noqoto asaagaana aadan la tartami karin, wax aan badnayna aan laguugu shubin maskaxda, laakiin  {it can not be an excuse } cuddudaar kuu noqon mayso! Waxaa xaqiiiqa ina aysan go'aamin karin halka aad kaga nooshahay aduunka wax aad rabto in aad noqoto haddii aad la timaaddo rabitaan dhab ah qaadirkana aad talo saarato, aamintana in aad rumayn karto waxa maankaaga ku wayn, laakiin waan ka dharag sanahay ku noolaanshaha soomaaliya in aysan ku caawinayn,laakiin waxaa xaqiiqa inaad nooshahay qarni dahabi ah, qofkastoo dhintayna uu jeclaan lahaa in dib loo soo celiyo si uu wax uga qabsato.Waxa aad ku nooshahay aduun digital ah wax kastaana aad ka baranto onlineka aadna kaga shaqaysan karto sidoo kle. Haddaba sidee uga faaidaysan kartaa qarnigaan dahibiga ah? Waxaa jira siyaabo badan oo aad uga faaidaysan karto qarnigaan dahabiga ah, waxaan kula wadaagayaa talaabooyin  aad...

Ku halaagsamida baraha bulshada{Social media}

 Waxa aad nooshahay xili ama wakhti la isku dagaalayo siddii laguu soo jeedin lahaa ama loo heli lahaa { your attention }aadna wali garwaaqsan, meeshii ay kuu jaydiyaan na aad iska raacayso, laakiin waxaa xaqiiga in ay ku guulaysteen waliba aad noqotay qaar kamida wax soo saarkooddii. Waa maxay ku halaagsamida baraha bulshadu{social media}? Ku halaagsamida baraha bulshadu waa adoo u isticmaala dhanka aan wanaagsanayn tasoo ay ka dhalato laqabsi ay adag tahay inaad iska jarto,uuna gaaro heer aadan qaban waxa aan iskaga ahayn xitaa uu kaagga horeeyo u cibaadaysigaa qadarkii ku uumay.Waxaa xaqiiq ah lana iska indha tiri karin inuu yahay baraha bulshadu seef labo afleh, afka aad dookhanaysona ay tahay adiga masuuliyadaadda. Waa maxay natiijooyinka aad ka helayso ama aad ka dhaxlayso marka aad u isticmaasho baraha bulshada dhanka aan wanaagsanayn? Sida iska cad marka aad u isticmaasho baraha balshada dhanka aan wanaagsanayn, natiijooyinka aad ka dhaxlayso ama aad ka sugayso waa kuwo aan...