Adoo ah jiilka lagu magacaabo{ z }loona qirsan yahay in aad tahay jiilkii ugu nasiibka badnaa uguna fursadaha badnaa ee soo mara koonkan ayaad dayacaysaa fursadahaas social mediana unasasho tagaysaa. Jiilka lagu magacaabo{ z } ayaa waxa loo tix galinayaa in uu yahay jiilkii ugu nasiibka badnaa ee ku noolaada aduunkan iyada oo ay ugu wacan tahay technologyida iyo sida ay wax kastaa ay isku badalayaan maalinkasta loona soo kordhinayo wax cusub. Maxaa ay uga qatan yihiin dhalinyarada soomaaliyeed is badalka ka socda aduunlka? Dhalinta soomaaliyeed waxa ay uga qantan yihiin in ay qayb ka noqdaan dadka dhaqaajinaya aduunkan waa in ay usoo nasasho tagaan baraha bulshada, maxaayeelay isbadalka la sheegayoba waxa uu ka socdaa baraha bulshada, laakiin nasiibxumo dhalinta soomaaliyeed waxa ay u isticmaalaan dhanka xun,halka dhigoodna ay u isticmaalaan siddii ay wax cusub ugu soo kordhin lahaayeen koonkan. Siddee bay uga daba tagi karaan isbadalkaas dhalinyarada soomaaliye...