Waan ogahay in aad bilowgii sanadkaan cusub 2024 aad dajisatay hadafyo ama aad qorshaysay qorshayaal aadna u sheegeysay naftaada inaad xaqiijin doontida sanadkaan dhexdiisa, laakiin iyadoo lamarayo bishii labaad ee sanadkaan cusub ay kaa kala yaacday, ana iswaydiinayso sidii aad dib ugu soo laaban lahayda baska. Waa wax caadi ah inaad dajisano hadafyo ama goolal bilowga sanadkasta oo cusub anagoo u sheegayna nafaheena inaan gaari doonto hadafyadaas inta lagu guda jiro sanadkaas,laakin markii aan cabaar wadno aan is aragno anagooba wixiiba ka caajisnay, ayna naga hayn inaan sii wadno qorshayaashii aan dajisanay, laakiin wali ma iswaydiisay sababta? Maxaa kugu keena inaad ka rajo dhigto hadafyadaada intuusan sanadku dhammaan? Inaad ka rajo dhigto hadafyadaada intuusan sanadku dhammaan waxaa keena siyaabo badan , laakiin waxa aan kula wadaagayaa qayb ka mida haddii eebe idmo Go'aan inaad qaadato adoo xamaasadaysan dajiinta hadafyo badan dib u dhigid adoo raba inaad wax k...