Noloshaan qofkasta oo aad u tix galinayso xogaaba ha ahaatee in uu ku guulaystay waxa uu qabtay shaqada aad ka cararayso qabashadeeda. Waxaa ah wax la isku wada raacsan yahay in aakhiro iyo aduunba ay kaa dalbanayaan in aad labadaba u wada shaqaysato,laakiin innagu waxa aan aaminsanay wax aan waxba ka jirin {myth} oo meel iska fariisiyo aduunkaan gaallo baa la siiyay,laakiin waxaa xaqiiqa in eebe ina faray in aan talosaarano ka dibna aan la imaano ficilkii. Sidee loo saxaa jihada ay ku socoto noloshaadu marlabaad? Xaqiiq waxaa ah sida ugu wanaagsan ay tahay in loo jiheeyo noloshaada waa in aad qabato maalinkasta {day in and day out} wixii dantu kuugu jirto,waxa aan kawada dharagsan nahay in aan lee nahay labo cadow waana nafteena iyo shaydaan kuwaaso nagu jiheeya qabashada waxa aan danta innoo ahayn naguna mashquuliya wax maalaayacni ah {trivial things} . Maxaa aynu ka aamin sanahay guusha? Waxa aynu u haysanaa ama nalaka dhaadhici yahay in ay guushu tahay...