Aad ayaan uga dharagsanay in aad wakhtiga lumiso,raadiso wax aad kudisho,marka aad garan waydo wax aad qubato, labaatan iyo afart saacda QAADIR uu kuugu deeqo maalinkasta. Muhiimada uu wakhtigu inoo leeyahay mahaan wax aan kusoo koobi karno hal maqaal,laakiin wakhtiga muhiimadiisa iyo in uu yahay cibrigaagi aad ayaad uga dharagsan tahay.ilbiriqsi kastaa,daqiiqadkastaa,saacadkastaa,maalinkastaa,isbuuckastaa,bilkastaa, iyo sanadkastaaba waa cimrigaagii qayb kamida oo ku dhaafay kuna macsalaameeyay oo aan dib kuugu soo laabanayn. Waxkasta waad iibsankartaa, laakiin wakhtiga maya. Faaiidada wakhtiga haddii aad uga faaidaysatid sidii loogu talagalay waa mid ku anfacaysa aakhiro iyo aduunba. Uga faaidayso wakhtigaaga in aad ugu hormariso maskaxdaada,ruuxdaada iyo jirkaagaba, ka jar naftaada waxa dilaya ama kuu horseedaya in aad wakhtigaaga lumiso sida: fadhi kudirika, raadinta wax aad ku disho wakhtiga iyo waxkastoo kuu horseedikara in aad lumiso wakhtigaaga . Wakhtiga...