Waxa aynu joogna aduun aynu doonayno waxkastaa inaan si deg deg ah ku helno ama ku dhacaan isla marka aynu farqaadno, anooga fiirinayna sida technologyadu ay isu badashay sida aad iyo aadka xawliga u ah, laakiin bini aadanka sidaa waxba uguma shaqeeyaan. Samaynta caaddo noocaydoontaba ha ahaatee waxa ay kusiisaa natiijooyin ama abaalmariino,kuwaasoo loo yaqaano ama loogu yeero natiijada deg dega ah iyo tan dambe ama abaalmarinta deg dega ah iyo tan dambe oo loola jeeddo mida aad hesho muddo dheer kadib. Waa maxay abaalmarinta ama natiijada deg dega ah? Natiijada ama abaalmarinta deg dega ahi waa mida aan helo muddo yar kadib oo aan wax samayno ama aan bilaabno samaynta caaddo cusub, sida inaad dareento farxad ama aad ku raaxaysato samaynteeda.Hadaba natiijooyinka ama abaalmarinooyinka deg dega ah waxaa ina siiya samaynta caaddooyinka aan wanaagsanayn. Maxaa kamida caddooyinka aad ka hesho natiijooinka deg dega ah oo ku faraxad galiya? sigaarka Daawashada aflaanta xun xun Ku...