waxaa macquula inaad marar badan aad iskudayday inaad joojiso caado xun,laakiin mudo yar kadib aad dib ugu soo laabatay samaynteeda, aadna qaatiyaan ka istaagtay arintaa iyada ah, laakiin waa sidee sida ugu wanaagsan ee loojiyo, go'aanka ugu dambeeyana looga qaato. Waa maxay caaddo? Caaddadu waa wax aad qamatintay samaynteeda muddo aad u dheer aadna kusoo celcelisay.Caaddu waxay ku samaynsataa muddo boqol cisho ah ama kow iyo laabaatan, kadibana waxay kuu noqotaa wax aad samayso maalinkasta.Caadooyinka waxaa loo qaybiyaa labo qaybood. Caado wanaaagsan. Caado xun. Waa maxay caaddo wanaagsan? Caaddada wanaagsani, waa caadda tan wanaagsan taaso samaynteeda aan wax u dhimayn noloshaada kuuna horseedaysa horomarka nafeed, waxaa wanaagsan inaad lahaato caaddo wanaagsan si aad u hormariso noloshaada. Waxaa jira caaddooyin ay tahay inaad lahaato haddii aad doonayso inaad ku noolaato nolol wanaagsan qaadirna uu raali ka yahay, waxaana kamida kuwaaan hoose caaddo wax aakhris Caaddo k...