Aad bay u adag tahay in aad aaminto in ay macquul tahay in aad ka guul gaarto waxa aad ku naaloonayso, laakiin mar haddii aad aaminto in ay macquul tahay waxa aad jabisay mid kamid ah qufuladii ugu waaweenaa ee ku xirnaa maskaxdaadda. Mar haddii aad sifiican u taqaano xirfada lagu magacaabo aaminaadda waxa ay u badan tahay in aad ka guul gaarto waxa kasta oo aad maanka ku hayso xaqiijintooda, maxaa yeelay dadka badankood waxaa aad ugu adag in ay aaminaan in ay macquul tahay ayna ka guul gaari karaan. Mar haddii ay aad ka dhaadhiciso naftaada si qoto dheerna aad u aaminto, waxa aad ka adkaatay qofkii yaraa ee kugu dhex noolaa oo had iyo jeer kuu sheegi jaray in aysan ahayn macquul.Naftu had iyo goor waxa ay raadisaa aaman meel ay ku dareemayso, waana sababta marka aad istiraahdo wax cusub samay ay badanaa kuugu soo dag dagaan fikradaha ah in aysan suurtagal ahayn,maxa yeelay naftu mataqaano halka uu kusoo gaba gaboobi doono safarkan cusub ee aad gashay{ the destination }. W...