Baro waxa aysan baran, akhri waxa aysan akhrin ,daawo waxa aysan daawan ,samay waxa aysan samayn, kuna dambay noqoshada xidiga ama xidigada laga tilmaamo bulshadaas. Sidee ku noqon kartaa xidiga ama xidigada qura? Waxaa ah wax maanku diido in aad samayso wax limada wax ay bulshada oo dhami samayso kadibna aad sugto natiijo ka duwan tii usoo baxday iyaga,Haddii aad ku naaloonayso in aad noqoto qof ka duwan bulshada waxaa waajib kugu noqonaysa in aad daahfurto waddo aan hore loo qaadin ama loo marin. Nolosha xaga sare waa cidla! Dadku sida ay u badan yihiin waxa ay joogaan nolosha xaga hoose ,iyagoo isku dagaalaya halkaas una baratamaya.Nolosha xaga hoose waa buuq, laakiin xaga sare waa cidlo sababtoo ah waxaa yar dadka taga halkaas ama gaara dabaqadaas, maxaayeelay dadka oo dhami waxa ay isdhiibaan inta ay kusii jiraan waddadii ay ku tagi lahaayeen xaga sare ee nolosha Tagida xaga sare ee nolosha waxa ay kaa dalbanaysaa daddaal iyo in aad dhiddidka sayrto! Waxa ay dhahaan dadka caajislo...