Waxa aan ogahay in aad ku daashay iska dhig dhigida iyo jeclaashaha ahaanshaha qof kale sida uu yahay, taasoo aad la dhacsan tahay wax uu nolosha ka sameeysay, laakiin waxa aa kuu hubaa in aadan noqon karin qof kale sida uu yahay, sabab? Maxaa sababa in aad iska dhig dhigto cidkale? Iska dhig dhigida cidkle ama jeclaanshaha noqoshada sida uu yahay qof kale waxaa sababa kalsooni daro ka jirta gudahaaga, taaso kaa qarinaysa nooca qof ee aad tahay oo ay ayad inaad ku qanacdo. Alle qofkasta waxa uu u abuuray si gaara, qof qof lamidana ma jiro ,taasana waxaa aad ku garanaysaa hab fikirka xitaa labadii mataanaha ahaa waxay qaadaan labo wado oo kala duwan. Ku dayashada cidkale! Waa ay fiican tahay in aad ku dayo qof wanaagsan, taasana waxaa inoo cadaynaya in alle nafaray in aan ku dayo nebigeena Mohamed { scw }. Ku dayo qofka aad is leedahay waa qof wanaagsan, laakiin waxa aad rajaysaa in aadan noqon karin qofkaas. Dadka wax kabaro,laakiin ha rayan in aad noqoto sidoo kale, maxaay...