Skip to main content

Waa markaaggii{It's your turn}!

In badan waa aad ku soo raaxaysatay daawashada guulaha cid kle, laakiin hada waxa ay soo gaadhay markaagii iyo markii aad ku raaxaysan lahayd guulahaaga,niyada lagu dhisanlahaa, laakiin waxa aan iswaydiinayaa waxa ku haysata iyo meesha laggaa haysto oo aad far u dhaqaajin la'adahay?
Waa markaaggii!

Waxaa ah wax aynu kawada dharagsan nahay in aad ku raaxaysatay daawashada guulasha bini aadan adi kulamida ay xaqiijiyeen, dhashay hooyo lamida hooyodaadda, isku waddo soowada maray xagga dhalashada,waxba an ku dheerayn xaqiiqdii.Laakiin waxa kaliya oo lagu kala tagay waa sida uu qofku uga shaqaysiiyo maskxadiisa, wakhtigiisana uu uga faaidaysto.Cadkaan yarka ah ee jilicsan kuna jira meesha u dhaxaysa labaddaada dhegood, waxaa iska leh aboor, hadii adan uga faaidaysan sidii Eebe ugu talagalay in aad uga faaidaysato.

Markaaggu waa hada,xili kale oo aad sugayso majirto,shalay waa ay tagtay waana taariikh,mana soo laabanayso,biri lama gaarin,mana ogid in aad gaarayso.Laakiin waxa aad hubtaa marka aad isfiiriso in aad nooshahay maanta, wax kastaana aad qabin kartid.Hadaba waxaa loo yaqaano markeeda, waxa aan ula jeeda xiliga ugu wanaagsan ee wax la qabankaro majiro,markii maanta laga reebo.Maanta iyadaa ah wakhtiga ugu wanaagsan ee aad qaban karto waxa aad ku naaloonayso, waana xiligii ugu fiicna, hana raadin saman ka wanaagsan ee qabo shaqada{Do the work}.

Inta aad kusii jirtida waddada waxa aad la kulmi doontaa caqabado,laakiin waxaa laggaa rabaa in aad wadda xaliso dhammaantood.Hadba caqabada waynaanteedu waxa ay ku xiran tahay waxa aad rabto in aad xaqiijiso.Qofkastaana waxa uu leeyhay caqabadooyin ugu gaaraa oo uu Alle ugu talagalay in uu la kulmo haddii qofkaas ay dhab ka tahay in uu xaqiijiyo hadafkaas.Waxa aan hubaa in ay yaraandoonto inta aad seexato ,nasato.Laakiin dib baad ka raaxaysanaysaa markii qofkasta oo kale uu la daalaa dhacayo nolosha.

Markii aad gaarto ama xaqiijiso waa aad ku haminayso, Alle waa aad uga mahadcelindoontaa, dhibaatooyinkii oo dhan,waana ilaawidoontaa, waxaana la dhacsanaanaysaa safarkii dheeraa ee xanuunka badnaa ee aad soo gashay, muhiimaduna waa intaa.Qofkastaa markaas waa kusoo dhawaysan doonaa xitaa kuwii awal ku dhaliili jiray,maxaayeelay waxaa aad tustay in ay khaldanaayeen iyagu{You proved them wrong}. Guushu waxa ay aad u macaan tahay marka aad uso halganto,dhididka usoo sayriso.

Gunaanad!

Mudane ama marwo,maanta dhididka sayri, raaxadda ka tag,aamin wixii bini aadam uu garay in aad adna sidoo kale aad xaqiijin kartid, hadii kale waxaa sii wadi doontaa ku raaxaysiga guulaha cida kale.
Waa markaaggii!





 

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Dhibku kulama dhalan,guntuba marbay gob noqotaaye,halkee lagaa haystaa adiga?

  Noloshaan qofkasta oo aad u tix galinayso xogaaba ha ahaatee in uu ku guulaystay waxa uu qabtay shaqada aad ka cararayso qabashadeeda. Waxaa ah wax la isku wada raacsan yahay in aakhiro iyo aduunba ay kaa dalbanayaan in aad labadaba u wada shaqaysato,laakiin innagu waxa aan aaminsanay wax aan waxba ka jirin {myth}  oo meel iska fariisiyo aduunkaan gaallo baa la siiyay,laakiin waxaa xaqiiqa in eebe ina faray in aan talosaarano ka dibna aan la imaano ficilkii. Sidee loo saxaa jihada ay ku socoto noloshaadu marlabaad? Xaqiiq waxaa ah sida ugu wanaagsan ay tahay in loo jiheeyo noloshaada waa in aad qabato maalinkasta  {day in and  day out} wixii dantu kuugu jirto,waxa aan kawada dharagsan nahay in aan lee nahay labo cadow waana nafteena iyo shaydaan kuwaaso nagu jiheeya qabashada waxa aan danta innoo ahayn naguna mashquuliya wax maalaayacni ah {trivial things} . Maxaa aynu ka aamin sanahay guusha? Waxa aynu u haysanaa ama nalaka dhaadhici yahay in  ay guushu tahay...

Iyadoo rag ku baratamayaan in ay dayaxa shaah kusoo karsadaan,wixii aad usii joogto dhulka maanay doqoniino iyo isliidid aysan ahayn?

  Asaaggaa waxa ay ku baratamayaan in ay dayaxa shaah iyo kafay ay kusoo karsadaan,adna waxa aad ku qanacsan tahay sii joogitaanka dhuka, laakiin waxa aan iswaydiinayaa liidnimada inaa la'eg meesha ay kaaga timid mudane ama marwo? Kunoolaanshaha soomaaliya waxba kama khaldanee ee dhibku waa adiga! Soomaaliya waxa ay kamid tahay meel kamida dhulka uu Alle abuuray, dhulkuna isma badalee ee isbadalku waxa uu ku dhacaa bulshada ku nool deegaankaas.Mida aynnana fahansanayna ilaa hadda waa middaas,oo waxa aynu wada sugaynaa in ay soomaaliya hal mar{ all over sudden } is badasho inagga oo aan farqaadin, taasuna maahan sidii qaadir uu ugu talagalay dhulkaan.Ilaahay koreeye waxa uu ku sheegay quraankiisa in uusan badaleen qoom ilaa ay isbadalaan iyagu. Sidee laggaaga dhaqay maskaxda? Maskaxada aayaa laggaa dhaqay badalkeeda intii wax wanaagsan laguugu shubilahaa,taasuna waa mida keentay in uu noqdo fikikaarku mid aad u hooseeya oon lahayn tayo.Taasu waa mida keentay in aad xabadka u qa...