Muhiimada uu wakhtigu inoo leeyahay mahaan wax aan kusoo koobi karno hal maqaal,laakiin wakhtiga muhiimadiisa iyo in uu yahay cibrigaagi aad ayaad uga dharagsan tahay.ilbiriqsi kastaa,daqiiqadkastaa,saacadkastaa,maalinkastaa,isbuuckastaa,bilkastaa, iyo sanadkastaaba waa cimrigaagii qayb kamida oo ku dhaafay kuna macsalaameeyay oo aan dib kuugu soo laabanayn. Waxkasta waad iibsankartaa, laakiin wakhtiga maya.
Faaiidada wakhtiga haddii aad uga faaidaysatid sidii loogu talagalay waa mid ku anfacaysa aakhiro iyo aduunba. Uga faaidayso wakhtigaaga in aad ugu hormariso maskaxdaada,ruuxdaada iyo jirkaagaba, ka jar naftaada waxa dilaya ama kuu horseedaya in aad wakhtigaaga lumiso sida: fadhi kudirika, raadinta wax aad ku disho wakhtiga iyo waxkastoo kuu horseedikara in aad lumiso wakhtigaaga. Wakhtiga aad haysato maanta haddii adan ka faaidaysan maalin ba jiraysa aad ka qoomamayso.
Marka aad lumiso wakhtigaaga, aadna raadiso wax aad ku disho, waxaa laga dhaxlaa natiijo aan wanaagsanayn ,taaso qofka ku keenta in uu rajo dhigo marka uu dib u milicsato wakhtiga badan oo uu soo dayacay. Haddii aynu nahay umad lagu magacaabo soomaali, wakhtigu inooma xisaabsana, inta badan waxa aan raadinaa meel ku dilno, waxaana ah wax caaddi ka ah bulshada soomaalida dhexdeeda qof aan lahayn jidwal, aroortiina marka uu soo kaco aan aqoon wax uu qabto.
Dadku marka ay waynaadaan waxa ay bilaabaan in ay ka qoomameeyaan wakhtigii badnaa oo ay soo dayaceen, taasoo ay sababtay marka uu haystay wakhtigaas in uusan lahayn caqli kufilan ama uu dhayalsanayay muhiimada wakhtiga. Hadaba intii aad qoomayn lahayd mar aanay qoomamayntu wax kuu tareen in ay xanuunka kugu sii siyaadiso mooyaane, ka faaidayso wakhtiga aad maanta haysato kuna kharash garay meel u qalanta.
Comments
Post a Comment