Skip to main content

Iyadoo rag ku baratamayaan in ay dayaxa shaah kusoo karsadaan,wixii aad usii joogto dhulka maanay doqoniino iyo isliidid aysan ahayn?

 Asaaggaa waxa ay ku baratamayaan in ay dayaxa shaah iyo kafay ay kusoo karsadaan,adna waxa aad ku qanacsan tahay sii joogitaanka dhuka, laakiin waxa aan iswaydiinayaa liidnimada inaa la'eg meesha ay kaaga timid mudane ama marwo?
Iyadoo rag ku baratamayaan in ay dayaxa shaah kusoo karsadaan, in aad ku qanacdo sii joogi taanka dhulka maanay liidnimo kugu ahayn

Kunoolaanshaha soomaaliya waxba kama khaldanee ee dhibku waa adiga!

Soomaaliya waxa ay kamid tahay meel kamida dhulka uu Alle abuuray, dhulkuna isma badalee ee isbadalku waxa uu ku dhacaa bulshada ku nool deegaankaas.Mida aynnana fahansanayna ilaa hadda waa middaas,oo waxa aynu wada sugaynaa in ay soomaaliya hal mar{all over sudden} is badasho inagga oo aan farqaadin, taasuna maahan sidii qaadir uu ugu talagalay dhulkaan.Ilaahay koreeye waxa uu ku sheegay quraankiisa in uusan badaleen qoom ilaa ay isbadalaan iyagu.

Sidee laggaaga dhaqay maskaxda?

Maskaxada aayaa laggaa dhaqay badalkeeda intii wax wanaagsan laguugu shubilahaa,taasuna waa mida keentay in uu noqdo fikikaarku mid aad u hooseeya oon lahayn tayo.Taasu waa mida keentay in aad xabadka u qaraacato qabiil aan la garanayn waxa uu kuu hayo,naftaadiina ay halkaa ku dayacan tahay,kama soo horjeedo qabiika,laakiin waxa aan kasoo horjeeda sida aad u isticmaasho oo aan ahayn sidii uu Eebe nafaray.War qabiil waxba kuuma hayee sacabna sacabkaaga kaagama horeeyee ee ka kac fadhiga oo ka tag taariikh noloshaan.

Wax ma ku dheer yihiin gaaladdu?

Gaaladda aad maanta ugu dambaysaa aduunkan, waxa aan kuu hubaa in aysan waxba ku dheerayn, laakiin aad adigu iska dhaadhicisay in ay wax ku dheer yihiin,laakiin badalkeeda adabaa wax dheer sababtoo ah waxa aad tahay qof muslin ah oo garanaya Eebe. Haddii taariikhda dib loo raaco waxa soo baxaysa ilbaxnimo kasta markii ugu horaysay in ay keeneen muslimiintu,taasoo kuu cadaynaysaa awooda muslinka.Waxaa jira wax khayaali ah{stereotype} oo aad aamin santahay taasoo ah gaallo ayaa iska leh aduunkan,laakiin waxa aan kuu hubaa in Alle uu ka jecel yahay aduunkiisa daciifka ah kiisa xoogan,waana sababta uu nebi MOHAMED{scw}uu kuu yiri war haddii aad Ilaahay jano waydii sanayso waydiiso firdowsa.

Waddada aad haysaa ma tahay tan aan kula doonayo in aad qaado mudane ama marwo?

Waxaa ah wax aan la iska indho tiri karin in aad hayso wado khaldan,taasoona aan ku geenayn waxa aad rajaynayso,sababtoo waxa ay ku baranaan kuwa looyaqaano{dhiigmiirato}aysan meelana ku gaarsiinayn noloshaan.Waxa ay kuu dhigaan maahan wax khaldan,aduunka koowaad waa laga dhigtaa,laakiin sida ay wax kuugugu dhigaan baa waxa ay tahay si tuugnimo ah oo aan adigu waxba faaidayn maaliinta aad ka baxdo ,laakiin iyagu caruurtooda un ka korsanayaan. Maanta maahan maaliintii aad aqoon ka dooni lahayd dalka dibadiisa,maxayeelay aqoontu meelkasta ayaa ay taalaa maanta, laabtoonka ama tilifoonka aad haysato ayaad ku noqon kartaa aqoon yahan.

Gunaanad!

Qaadir waxa uu kaa dhigay qof nool oo sharaf leh,noloshaana wax kastaa oo uu qof bini aadam ahi uu xaqiijiyay  aad adna xaqiijin karto sido kale,kana fiicnaan karto sida ay iyagu u sameeyeen,hadaba put your head down and do the work, show the rest of the world you did it.




Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Dhibku kulama dhalan,guntuba marbay gob noqotaaye,halkee lagaa haystaa adiga?

  Noloshaan qofkasta oo aad u tix galinayso xogaaba ha ahaatee in uu ku guulaystay waxa uu qabtay shaqada aad ka cararayso qabashadeeda. Waxaa ah wax la isku wada raacsan yahay in aakhiro iyo aduunba ay kaa dalbanayaan in aad labadaba u wada shaqaysato,laakiin innagu waxa aan aaminsanay wax aan waxba ka jirin {myth}  oo meel iska fariisiyo aduunkaan gaallo baa la siiyay,laakiin waxaa xaqiiqa in eebe ina faray in aan talosaarano ka dibna aan la imaano ficilkii. Sidee loo saxaa jihada ay ku socoto noloshaadu marlabaad? Xaqiiq waxaa ah sida ugu wanaagsan ay tahay in loo jiheeyo noloshaada waa in aad qabato maalinkasta  {day in and  day out} wixii dantu kuugu jirto,waxa aan kawada dharagsan nahay in aan lee nahay labo cadow waana nafteena iyo shaydaan kuwaaso nagu jiheeya qabashada waxa aan danta innoo ahayn naguna mashquuliya wax maalaayacni ah {trivial things} . Maxaa aynu ka aamin sanahay guusha? Waxa aynu u haysanaa ama nalaka dhaadhici yahay in  ay guushu tahay...

Waa markaaggii{It's your turn}!

In badan waa aad ku soo raaxaysatay daawashada guulaha cid kle, laakiin hada waxa ay soo gaadhay markaagii iyo markii aad ku raaxaysan lahayd guulahaaga,niyada lagu dhisanlahaa, laakiin waxa aan iswaydiinayaa waxa ku haysata iyo meesha laggaa haysto oo aad far u dhaqaajin la'adahay? Waxaa ah wax aynu kawada dharagsan nahay in aad ku raaxaysatay daawashada guulasha bini aadan adi kulamida ay xaqiijiyeen, dhashay hooyo lamida hooyodaadda, isku waddo soowada maray xagga dhalashada,waxba an ku dheerayn xaqiiqdii.Laakiin waxa kaliya oo lagu kala tagay waa sida uu qofku uga shaqaysiiyo maskxadiisa, wakhtigiisana uu uga faaidaysto.Cadkaan yarka ah ee jilicsan kuna jira meesha u dhaxaysa labaddaada dhegood, waxaa iska leh aboor, hadii adan uga faaidaysan sidii Eebe ugu talagalay in aad uga faaidaysato. Markaaggu waa hada,xili kale oo aad sugayso majirto,shalay waa ay tagtay waana taariikh,mana soo laabanayso,biri lama gaarin,mana ogid in aad gaarayso.Laakiin waxa aad hubtaa marka aad isfii...