Skip to main content

Adigu adiga ahaw!

 Waxa aan ogahay in aad ku daashay iska dhig dhigida iyo jeclaashaha ahaanshaha qof kale sida uu yahay, taasoo aad la dhacsan tahay wax uu nolosha ka sameeysay, laakiin waxa aa kuu hubaa in aadan noqon karin qof kale sida uu yahay, sabab?

Adigu adiga ahaw

Maxaa sababa in aad iska dhig dhigto cidkale?

Iska dhig dhigida cidkle ama jeclaanshaha noqoshada sida uu yahay qof kale waxaa sababa kalsooni daro ka jirta gudahaaga, taaso kaa qarinaysa nooca qof ee aad tahay oo ay ayad inaad ku qanacdo. Alle qofkasta waxa uu u abuuray si gaara, qof qof lamidana ma jiro ,taasana waxaa aad ku garanaysaa hab fikirka xitaa labadii mataanaha ahaa waxay qaadaan labo wado oo kala duwan.

Ku dayashada cidkale!

Waa ay fiican tahay in aad ku dayo qof wanaagsan, taasana waxaa inoo cadaynaya in alle nafaray in aan ku dayo nebigeena Mohamed{scw}. Ku dayo qofka aad is leedahay waa qof wanaagsan, laakiin waxa aad  rajaysaa in aadan noqon karin qofkaas. Dadka wax kabaro,laakiin ha rayan in aad noqoto sidoo kale, maxaayeelay taasuu waa wax uu maanku diido. Qofkastaa waa qof gaara {unique}aduunkaan, taasuna waa hab abuurka alle.

Ku qanacsanaanta nooca qof ee aad tahay!

Horta qanaacada eebe baa bixiya, laakiin in aad ku qanacsanaato nooca qof ee aad tahay waa laga maarmaan.Wax ka wanaagsan majirto in aad ku qancsanaato nooca qof ee aad tahay oo aadan naftaada bar bardhigin cidkale, maxaayeelay noloshaan majiro qof dhamaystiran qofkastaa waxbaa kamaqan, wanaa sababta ay tahay labada qof ee nolol wadaagaya in ay is dhamaystirikaraan.

Noqo nooca qof ee ugu wanaagsan ee aad noqon karto!

Hormari naftaada,kashaqay naftaada inta aad badalkeeda ku mashquuli lahayd hebel iyo heblaayo sida ay yihiin,uguna faaidayso wakhtigaas ee aad ku bixinayso cidkale naftaada.Waxaa alle kuu dhiibay hogaanka naftaada markii aad qaangartay{when you developed }, hadaba isku day in aaad noqoto nooca qof ee ugu wanaagsan ee aad noqon karto, adoo hormarinaya aqoontaada, aduun aragaaga, jirkaaga iyo maan hagaagaba.

Gunaanad!

Waxaa aad tahay qof leh muuqaal gaara, jirgaara, uhadla sigaaara iyo si ka duwan dadka kale, hadaba adoo noocaasa in aad si bar bardhigto cidkale waa wax aad looga xumaado. Waxa aad isku daydaa in tartan la gasho naftaada adoo ka fiicnaanaya qofkii aad ahayd shalay kana faaidayso aduunkaan isku badalay hal tuulo{digital }.
Adigu adiga ahaw


 

Comments

Popular posts from this blog

Dhibku kulama dhalan,guntuba marbay gob noqotaaye,halkee lagaa haystaa adiga?

  Noloshaan qofkasta oo aad u tix galinayso xogaaba ha ahaatee in uu ku guulaystay waxa uu qabtay shaqada aad ka cararayso qabashadeeda. Waxaa ah wax la isku wada raacsan yahay in aakhiro iyo aduunba ay kaa dalbanayaan in aad labadaba u wada shaqaysato,laakiin innagu waxa aan aaminsanay wax aan waxba ka jirin {myth}  oo meel iska fariisiyo aduunkaan gaallo baa la siiyay,laakiin waxaa xaqiiqa in eebe ina faray in aan talosaarano ka dibna aan la imaano ficilkii. Sidee loo saxaa jihada ay ku socoto noloshaadu marlabaad? Xaqiiq waxaa ah sida ugu wanaagsan ay tahay in loo jiheeyo noloshaada waa in aad qabato maalinkasta  {day in and  day out} wixii dantu kuugu jirto,waxa aan kawada dharagsan nahay in aan lee nahay labo cadow waana nafteena iyo shaydaan kuwaaso nagu jiheeya qabashada waxa aan danta innoo ahayn naguna mashquuliya wax maalaayacni ah {trivial things} . Maxaa aynu ka aamin sanahay guusha? Waxa aynu u haysanaa ama nalaka dhaadhici yahay in  ay guushu tahay...

Waa markaaggii{It's your turn}!

In badan waa aad ku soo raaxaysatay daawashada guulaha cid kle, laakiin hada waxa ay soo gaadhay markaagii iyo markii aad ku raaxaysan lahayd guulahaaga,niyada lagu dhisanlahaa, laakiin waxa aan iswaydiinayaa waxa ku haysata iyo meesha laggaa haysto oo aad far u dhaqaajin la'adahay? Waxaa ah wax aynu kawada dharagsan nahay in aad ku raaxaysatay daawashada guulasha bini aadan adi kulamida ay xaqiijiyeen, dhashay hooyo lamida hooyodaadda, isku waddo soowada maray xagga dhalashada,waxba an ku dheerayn xaqiiqdii.Laakiin waxa kaliya oo lagu kala tagay waa sida uu qofku uga shaqaysiiyo maskxadiisa, wakhtigiisana uu uga faaidaysto.Cadkaan yarka ah ee jilicsan kuna jira meesha u dhaxaysa labaddaada dhegood, waxaa iska leh aboor, hadii adan uga faaidaysan sidii Eebe ugu talagalay in aad uga faaidaysato. Markaaggu waa hada,xili kale oo aad sugayso majirto,shalay waa ay tagtay waana taariikh,mana soo laabanayso,biri lama gaarin,mana ogid in aad gaarayso.Laakiin waxa aad hubtaa marka aad isfii...

Iyadoo rag ku baratamayaan in ay dayaxa shaah kusoo karsadaan,wixii aad usii joogto dhulka maanay doqoniino iyo isliidid aysan ahayn?

  Asaaggaa waxa ay ku baratamayaan in ay dayaxa shaah iyo kafay ay kusoo karsadaan,adna waxa aad ku qanacsan tahay sii joogitaanka dhuka, laakiin waxa aan iswaydiinayaa liidnimada inaa la'eg meesha ay kaaga timid mudane ama marwo? Kunoolaanshaha soomaaliya waxba kama khaldanee ee dhibku waa adiga! Soomaaliya waxa ay kamid tahay meel kamida dhulka uu Alle abuuray, dhulkuna isma badalee ee isbadalku waxa uu ku dhacaa bulshada ku nool deegaankaas.Mida aynnana fahansanayna ilaa hadda waa middaas,oo waxa aynu wada sugaynaa in ay soomaaliya hal mar{ all over sudden } is badasho inagga oo aan farqaadin, taasuna maahan sidii qaadir uu ugu talagalay dhulkaan.Ilaahay koreeye waxa uu ku sheegay quraankiisa in uusan badaleen qoom ilaa ay isbadalaan iyagu. Sidee laggaaga dhaqay maskaxda? Maskaxada aayaa laggaa dhaqay badalkeeda intii wax wanaagsan laguugu shubilahaa,taasuna waa mida keentay in uu noqdo fikikaarku mid aad u hooseeya oon lahayn tayo.Taasu waa mida keentay in aad xabadka u qa...