Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2024

Adigu adiga ahaw!

  Waxa aan ogahay in aad ku daashay iska dhig dhigida iyo jeclaashaha ahaanshaha qof kale sida uu yahay, taasoo aad la dhacsan tahay wax uu nolosha ka sameeysay, laakiin waxa aa kuu hubaa in aadan noqon karin qof kale sida uu yahay, sabab? Maxaa sababa in aad iska dhig dhigto cidkale? Iska dhig dhigida cidkle ama jeclaanshaha noqoshada sida uu yahay qof kale waxaa sababa kalsooni daro ka jirta gudahaaga, taaso kaa qarinaysa nooca qof ee aad tahay oo ay ayad inaad ku qanacdo. Alle qofkasta waxa uu u abuuray si gaara, qof qof lamidana ma jiro ,taasana waxaa aad ku garanaysaa hab fikirka xitaa labadii mataanaha ahaa waxay qaadaan labo wado oo kala duwan. Ku dayashada cidkale! Waa ay fiican tahay in aad ku dayo qof wanaagsan, taasana waxaa inoo cadaynaya in alle nafaray in aan ku dayo nebigeena Mohamed { scw }. Ku dayo qofka aad is leedahay waa qof wanaagsan, laakiin waxa aad  rajaysaa in aadan noqon karin qofkaas. Dadka wax kabaro,laakiin ha rayan in aad noqoto sidoo kale, maxaay...

Muhiimada wakhtiga!

Aad ayaan uga dharagsanay in aad wakhtiga lumiso,raadiso wax aad kudisho,marka aad garan waydo wax aad qubato, labaatan iyo afart saacda  QAADIR uu kuugu deeqo maalinkasta. Muhiimada uu wakhtigu inoo leeyahay mahaan wax aan kusoo koobi karno hal maqaal,laakiin wakhtiga muhiimadiisa iyo in uu yahay cibrigaagi aad ayaad uga dharagsan tahay.ilbiriqsi kastaa,daqiiqadkastaa,saacadkastaa,maalinkastaa,isbuuckastaa,bilkastaa, iyo sanadkastaaba waa cimrigaagii qayb kamida oo ku dhaafay kuna macsalaameeyay oo aan dib kuugu soo laabanayn. Waxkasta waad iibsankartaa, laakiin wakhtiga maya. Faaiidada wakhtiga haddii aad uga faaidaysatid sidii loogu talagalay waa mid ku anfacaysa  aakhiro iyo aduunba.  Uga faaidayso wakhtigaaga in aad ugu hormariso maskaxdaada,ruuxdaada iyo jirkaagaba, ka jar naftaada waxa dilaya ama kuu horseedaya in aad wakhtigaaga lumiso sida:  fadhi kudirika, raadinta wax aad ku disho wakhtiga iyo waxkastoo kuu horseedikara in aad lumiso wakhtigaaga . Wakhtiga...

Iyadoo rag ku baratamayaan in ay dayaxa shaah kusoo karsadaan,wixii aad usii joogto dhulka maanay doqoniino iyo isliidid aysan ahayn?

  Asaaggaa waxa ay ku baratamayaan in ay dayaxa shaah iyo kafay ay kusoo karsadaan,adna waxa aad ku qanacsan tahay sii joogitaanka dhuka, laakiin waxa aan iswaydiinayaa liidnimada inaa la'eg meesha ay kaaga timid mudane ama marwo? Kunoolaanshaha soomaaliya waxba kama khaldanee ee dhibku waa adiga! Soomaaliya waxa ay kamid tahay meel kamida dhulka uu Alle abuuray, dhulkuna isma badalee ee isbadalku waxa uu ku dhacaa bulshada ku nool deegaankaas.Mida aynnana fahansanayna ilaa hadda waa middaas,oo waxa aynu wada sugaynaa in ay soomaaliya hal mar{ all over sudden } is badasho inagga oo aan farqaadin, taasuna maahan sidii qaadir uu ugu talagalay dhulkaan.Ilaahay koreeye waxa uu ku sheegay quraankiisa in uusan badaleen qoom ilaa ay isbadalaan iyagu. Sidee laggaaga dhaqay maskaxda? Maskaxada aayaa laggaa dhaqay badalkeeda intii wax wanaagsan laguugu shubilahaa,taasuna waa mida keentay in uu noqdo fikikaarku mid aad u hooseeya oon lahayn tayo.Taasu waa mida keentay in aad xabadka u qa...

Waa markaaggii{It's your turn}!

In badan waa aad ku soo raaxaysatay daawashada guulaha cid kle, laakiin hada waxa ay soo gaadhay markaagii iyo markii aad ku raaxaysan lahayd guulahaaga,niyada lagu dhisanlahaa, laakiin waxa aan iswaydiinayaa waxa ku haysata iyo meesha laggaa haysto oo aad far u dhaqaajin la'adahay? Waxaa ah wax aynu kawada dharagsan nahay in aad ku raaxaysatay daawashada guulasha bini aadan adi kulamida ay xaqiijiyeen, dhashay hooyo lamida hooyodaadda, isku waddo soowada maray xagga dhalashada,waxba an ku dheerayn xaqiiqdii.Laakiin waxa kaliya oo lagu kala tagay waa sida uu qofku uga shaqaysiiyo maskxadiisa, wakhtigiisana uu uga faaidaysto.Cadkaan yarka ah ee jilicsan kuna jira meesha u dhaxaysa labaddaada dhegood, waxaa iska leh aboor, hadii adan uga faaidaysan sidii Eebe ugu talagalay in aad uga faaidaysato. Markaaggu waa hada,xili kale oo aad sugayso majirto,shalay waa ay tagtay waana taariikh,mana soo laabanayso,biri lama gaarin,mana ogid in aad gaarayso.Laakiin waxa aad hubtaa marka aad isfii...