Skip to main content

Muhiimada ay leedahay in aad yeelato caaddo wax akhris!

 Qofkasta oo aad hiigsataa noloshan waxa aan kuu hubaa in uu yahay qof kaa wax akhris badan, waana sababta aad ugu aragtid in uu kaaga  horeeyo xaga horomarka nolosha,uuna ku dayasho mudan yahay ama mudan tahay.
Muhiimada ay leedahay in aad yeelato caaddo wax akhris

Lahaanshaha caaddo wax akhris waa mid aad muhiim ugu ah noloshaada, khaasatan haddii aad rabto hormarka noloshaada ay kugu tahay khasab in aad yeelato caaddo wax akhris.Waxaa ah mcquul in aad ku hesho buug figrad taas oo ku qaatay qoraaga in uu ogaado{to reveal} muddo aad u dheer taaso wax badan ka badili karta  noloshada kuuna horseedi karta dhabo saxan oo nololeed.

Waxa ay dhahaan qofka leh caaddo wax akhris waxaa uu noolaada saddex qarni, kan uu hada nool yahay,kan uu wax ka akhrinaayo iyo mustaqbalka oo uu saadaalin karo isagoo isticmaalaya casharadii uu ka soo akhriyay qarnigii lasoo dhaafay,maxayeelay taariikhdu badana iyadaa dib isku qorta.

 Bilowga caaddada wax akhrisku waa ay yara adag tahay,laakiin haddi aad nafta ka adkaato, mudana aad sii wado waxa aad ka dareemaysa noloshaada isbad hor leh oo xiiso leh. Jirkeenu waxa uu quutaa cunto kamana maarmi karo,hadaba sidaa silamida ayeeyna maskaxdeenu uquuta wax akhriska.

Buug baan akhriyay micno samayn mayso haddii aadan dhaqan galin wixii aad ka baratay buugaas.Sida ugu wanaagsan ee loo dhaqan galiyona wixii aad ka dhuuxday akhrinta buugaas waa in aad raacdaa wixii uu ku faray ama qaadaa tabooyinkii uu ku faray qoraagu in aad raacdo.

Waxaa jirta aqoon aad u fara badan taasoo aan naloogu dhigin iskuulaada iyo jaamacadaha, laakiin ay tahay in adigu raadso waxa ayna ku qoran tahay buuwaagtaas.Qoraa kasta waxa uu kaga hadlaa buugiisa qiso dhab ah taasoo adi  kaa caawinaysaa sida aad u waji lahayd nolosha, maxaayeelay noloshu waxa ay leedahay caqabado iyo imtaxaano ay tahay in aad ka gudubto.

Haddii aad tahay akhriste wanaagsan waxaa kuu fududaanasa in aan xaliso caqabada ama marka ay noloshu ku imtixaanto, waxaana ah hubaal in aad sifudud uga gudbi doontid caqabadahaas{obstacles}.Qof aan waxba akhrin waa ay adkaanaysaa in uu noqodo qof ka adkaata noloshaan.

Inaga haddii aynu nahay soomaali sabata ay noogu adag tahay in aad wax akhrino waa in aynu haysan dhaxal aqooneed oo ay nooga tageen awoowayaasheen,maxayeelay waagaas waxba lama qori jirin,haddii wax loqorayna waa iska baabe'een, iyada oo ay ugu wacan tahay daryeel xumo.

Gunaanad!

Mudane ama marwo yeelo caaddo wax akhris si aad uga mid noqoto dadka dhaqaajinaya ama wax ka badalaya kuna soo kordhinaya aduunkan eebe ka sakow.
Muhiimada ay leedahay in aad yeelato caaddo wax akhris




Comments

Popular posts from this blog

Dhibku kulama dhalan,guntuba marbay gob noqotaaye,halkee lagaa haystaa adiga?

  Noloshaan qofkasta oo aad u tix galinayso xogaaba ha ahaatee in uu ku guulaystay waxa uu qabtay shaqada aad ka cararayso qabashadeeda. Waxaa ah wax la isku wada raacsan yahay in aakhiro iyo aduunba ay kaa dalbanayaan in aad labadaba u wada shaqaysato,laakiin innagu waxa aan aaminsanay wax aan waxba ka jirin {myth}  oo meel iska fariisiyo aduunkaan gaallo baa la siiyay,laakiin waxaa xaqiiqa in eebe ina faray in aan talosaarano ka dibna aan la imaano ficilkii. Sidee loo saxaa jihada ay ku socoto noloshaadu marlabaad? Xaqiiq waxaa ah sida ugu wanaagsan ay tahay in loo jiheeyo noloshaada waa in aad qabato maalinkasta  {day in and  day out} wixii dantu kuugu jirto,waxa aan kawada dharagsan nahay in aan lee nahay labo cadow waana nafteena iyo shaydaan kuwaaso nagu jiheeya qabashada waxa aan danta innoo ahayn naguna mashquuliya wax maalaayacni ah {trivial things} . Maxaa aynu ka aamin sanahay guusha? Waxa aynu u haysanaa ama nalaka dhaadhici yahay in  ay guushu tahay...

Waa markaaggii{It's your turn}!

In badan waa aad ku soo raaxaysatay daawashada guulaha cid kle, laakiin hada waxa ay soo gaadhay markaagii iyo markii aad ku raaxaysan lahayd guulahaaga,niyada lagu dhisanlahaa, laakiin waxa aan iswaydiinayaa waxa ku haysata iyo meesha laggaa haysto oo aad far u dhaqaajin la'adahay? Waxaa ah wax aynu kawada dharagsan nahay in aad ku raaxaysatay daawashada guulasha bini aadan adi kulamida ay xaqiijiyeen, dhashay hooyo lamida hooyodaadda, isku waddo soowada maray xagga dhalashada,waxba an ku dheerayn xaqiiqdii.Laakiin waxa kaliya oo lagu kala tagay waa sida uu qofku uga shaqaysiiyo maskxadiisa, wakhtigiisana uu uga faaidaysto.Cadkaan yarka ah ee jilicsan kuna jira meesha u dhaxaysa labaddaada dhegood, waxaa iska leh aboor, hadii adan uga faaidaysan sidii Eebe ugu talagalay in aad uga faaidaysato. Markaaggu waa hada,xili kale oo aad sugayso majirto,shalay waa ay tagtay waana taariikh,mana soo laabanayso,biri lama gaarin,mana ogid in aad gaarayso.Laakiin waxa aad hubtaa marka aad isfii...

Iyadoo rag ku baratamayaan in ay dayaxa shaah kusoo karsadaan,wixii aad usii joogto dhulka maanay doqoniino iyo isliidid aysan ahayn?

  Asaaggaa waxa ay ku baratamayaan in ay dayaxa shaah iyo kafay ay kusoo karsadaan,adna waxa aad ku qanacsan tahay sii joogitaanka dhuka, laakiin waxa aan iswaydiinayaa liidnimada inaa la'eg meesha ay kaaga timid mudane ama marwo? Kunoolaanshaha soomaaliya waxba kama khaldanee ee dhibku waa adiga! Soomaaliya waxa ay kamid tahay meel kamida dhulka uu Alle abuuray, dhulkuna isma badalee ee isbadalku waxa uu ku dhacaa bulshada ku nool deegaankaas.Mida aynnana fahansanayna ilaa hadda waa middaas,oo waxa aynu wada sugaynaa in ay soomaaliya hal mar{ all over sudden } is badasho inagga oo aan farqaadin, taasuna maahan sidii qaadir uu ugu talagalay dhulkaan.Ilaahay koreeye waxa uu ku sheegay quraankiisa in uusan badaleen qoom ilaa ay isbadalaan iyagu. Sidee laggaaga dhaqay maskaxda? Maskaxada aayaa laggaa dhaqay badalkeeda intii wax wanaagsan laguugu shubilahaa,taasuna waa mida keentay in uu noqdo fikikaarku mid aad u hooseeya oon lahayn tayo.Taasu waa mida keentay in aad xabadka u qa...