Mar haddii aad sifiican u taqaano xirfada lagu magacaabo aaminaadda waxa ay u badan tahay in aad ka guul gaarto waxa kasta oo aad maanka ku hayso xaqiijintooda, maxaa yeelay dadka badankood waxaa aad ugu adag in ay aaminaan in ay macquul tahay ayna ka guul gaari karaan.
Mar haddii ay aad ka dhaadhiciso naftaada si qoto dheerna aad u aaminto, waxa aad ka adkaatay qofkii yaraa ee kugu dhex noolaa oo had iyo jeer kuu sheegi jaray in aysan ahayn macquul.Naftu had iyo goor waxa ay raadisaa aaman meel ay ku dareemayso, waana sababta marka aad istiraahdo wax cusub samay ay badanaa kuugu soo dag dagaan fikradaha ah in aysan suurtagal ahayn,maxa yeelay naftu mataqaano halka uu kusoo gaba gaboobi doono safarkan cusub ee aad gashay{the destination}.
Wax kasta oo aad rabto in aad samayso noloshaan waxa ay ka bilaamataa in aad aaminto marka hore,waana jaran jarta ugu horayso oo ay tahay in aad fuusho,maxaa yeelay waxa aadaan aamisanayn samayntoodu waa waxa uu maanku diiido.
Adoo ku nool meel lagu tiriyo in tahay aduunka saddexaad, waxa kaa dhex guuxayana oo aad rabto in aad ka guul gaarto ay isku jiraan meesha qorxadu kasoo baxdo iyo meesha ay ka dhacdo, laakiin ay tahay waxaa kaliya uu ku caawin karana in aad is aaminto naftaadana aad ku kalsonaato{Believe in,it's possible}.
Waxa ay dhahaan marka aad aaminto waxa kugu soo laalaabanaya oo aad rabto in aad ka guul gaarto, waxa kuu fududaanaya u dhaqaaqida jihada ay kaa xigto waxa aad rabto in aad xaqiijiso, kadibna waxaa kaloo kuu fududaanaya samaynta shaykaas, sababtoo ah waxkastaa waxa ay ka bilaamaan maankaaga, taana haddii aad ka aadkaato bishaarayso.
Qofkasta oo aad aamin santahay in uu ku guulays tahay wax un oo kamida guulaha laga gaaro noloshaan, waxa uu joogay meel lamida meesha aad adigu taagan tahay hada, laakiin waxa kaliya oo u suurta galiyay in uu ka guul gaaro waxa aad ku tuhmayso in uu ka guul gaaray waa is aaminid iyo qadarka eebe.
Wonderful topic
ReplyDelete