Adoo ah jiilka lagu magacaabo{ z}loona qirsan yahay in aad tahay jiilkii ugu nasiibka badnaa uguna fursadaha badnaa ee soo mara koonkan ayaad dayacaysaa fursadahaas social mediana unasasho tagaysaa.Jiilka lagu magacaabo{ z} ayaa waxa loo tix galinayaa in uu yahay jiilkii ugu nasiibka badnaa ee ku noolaada aduunkan iyada oo ay ugu wacan tahay technologyida iyo sida ay wax kastaa ay isku badalayaan maalinkasta loona soo kordhinayo wax cusub.
Maxaa ay uga qatan yihiin dhalinyarada soomaaliyeed is badalka ka socda aduunlka?
Dhalinta soomaaliyeed waxa ay uga qantan yihiin in ay qayb ka noqdaan dadka dhaqaajinaya aduunkan waa in ay usoo nasasho tagaan baraha bulshada, maxaayeelay isbadalka la sheegayoba waxa uu ka socdaa baraha bulshada, laakiin nasiibxumo dhalinta soomaaliyeed waxa ay u isticmaalaan dhanka xun,halka dhigoodna ay u isticmaalaan siddii ay wax cusub ugu soo kordhin lahaayeen koonkan.
Siddee bay uga daba tagi karaan isbadalkaas dhalinyarada soomaaliyeed{ how can they catch up with that}?
Sida ugu wanaagsan oo aan uga daba tagi karno qaybna uga noqon karno ayaa ah in aan iska furno qafiladda ku xiran maskaxdeena kana baxno kartoonka yarka ah ee aan ku jirno, aduun arageennana aan saxno.
Maxaa loogu haystaa in uu yahay jiilka{ z} kan ugu nasiibka badan ee soomaray koonkan?
Haddii aad dhala tahay wixii ka dambeeyaya 1995tii waxa aad qayb ka tahay jiilkaas, waxaana jiray jiilal badan oo magacyo kala duwan lahaa sida jiilkii{ x}. Hadaba sababta loogu haysto jiilka{ z} in uu yahay jiilka ugu nasiibka badan ayaa ah in ay haystaan waxkastaa oo aanay haysan jiilalkii ka horeeyay oo ah xaga hormarka.
Maxaa loogu haystaa haddii laga fiiriyo dhanka kale in uu yahay jiilka {z} jiilkii ugu ayaamaha darnaa ee soomara koonkan?
Sababtoo ah xummaankasta oo ku adkayd in ay ku dhacaan jilalkii innaga horeeyay ay u fudud jiilkan,taasoo ay ku haligi karnaa aduunkooda iyo aakhiradoodaba.
Gunaanad!
Adoo ah jiilkaas dahabiga ah qofkastoo kamida ahaa jiilalkii hore uu jeclaan lahaa in uu qayb ka noqdo jiilkaan, garan maayo sababta aad uga faaidaysan waydo oo aadna ku raxaysato dawashada bandhigyada dhigaagga.
Comments
Post a Comment