Waxa aynu joogna aduun aynu doonayno waxkastaa inaan si deg deg ah ku helno ama ku dhacaan isla marka aynu farqaadno, anooga fiirinayna sida technologyadu ay isu badashay sida aad iyo aadka xawliga u ah, laakiin bini aadanka sidaa waxba uguma shaqeeyaan.
Samaynta caaddo noocaydoontaba ha ahaatee waxa ay kusiisaa natiijooyin ama abaalmariino,kuwaasoo loo yaqaano ama loogu yeero natiijada deg dega ah iyo tan dambe ama abaalmarinta deg dega ah iyo tan dambe oo loola jeeddo mida aad hesho muddo dheer kadib.
Waa maxay abaalmarinta ama natiijada deg dega ah?
Natiijada ama abaalmarinta deg dega ahi waa mida aan helo muddo yar kadib oo aan wax samayno ama aan bilaabno samaynta caaddo cusub, sida inaad dareento farxad ama aad ku raaxaysato samaynteeda.Hadaba natiijooyinka ama abaalmarinooyinka deg dega ah waxaa ina siiya samaynta caaddooyinka aan wanaagsanayn.
Maxaa kamida caddooyinka aad ka hesho natiijooinka deg dega ah oo ku faraxad galiya?
- sigaarka
- Daawashada aflaanta xun xun
- Ku lumista wakhtigaaga oo dhan baraha bulshada
Kuwaan aan kor kugu xusay dhammaantood waxay kusiisaayaan natiijo deg deg ah.Qofka sigaarka cabaa hadduu ogaan lahaa cabista sigaarku inuu dilayo sambabadiisa umuusan dhawaadeen, laakiin muxuu ka doorbiday xoogaa ay istarayska ay ka qaadayo iyo jabinta xaraarada taasoo uu ku raxaysano.Qofka daawada aflaanta xun xun,hadduu ogaan lahaa inay wax yeelo u gaysanayo markuu guri yeesho ma daawadeen,laakiin waxay ka doorbidaan cabaaryar oo ay hormoonka farxadu ay kor u kacayso.
Waa maxay natiijada ama abaalmarinta wakhtiga dheer kadib?
Natiijada ama abaalmarinta muddada dheeri waa mida aan helo marka aan samayno ama aan bilaabno caaddo cusub taasoo natiijo nasiinaysa{in the long run}mudda dheer kadib, waxa aynu ka helnaa tan caaddooyinka wanaagsan.
Maxaa kamida caaddoyinka aan ka helo natiijada wakhtiga dheer ka dib marka horena kusiiya natiijooyin aan ku raali galinayn
- Wax akhriska
- barashada xirfad cusub
- jimicsiga
Hadaba kuwaasi waa qaar kamida wax qabadyada ina siiya abaalmarinta ama natiijada mudda dheer. Samaynta kuwaan iyo qaar kale oo lamidaba muddo ayeey kugu qaadanaysaa inaan la qabsato, laakiin waa kuwaa mustaqbalka aad helidoonto natiijadooda, waxaana kusoo hormaridoona iska caabintooda ama abaalmarinta aadan ku dareemayn sameentooda raaxo.
Gunaanad
Inta ay kusoo hormari lahayd natiijada ama abaalamrinta deg dega ahi waxaa ka wanaagsan mida aad hesho mudda dheer, taasoo wax ku taraysa mustaqbalka haddii aad sii noolaato,laakiin haddii aad doorbido mida ay natiijadeeda ama abaalamrinteeda hore ay ku raaligalinayso mustaqbalkaad ka qoomamayn
Comments
Post a Comment