Waa ay adag tahay inaad samaysato caaddo cusub oo wanaagan oo aadan hore u samayn,laakiin waxa ay u baahan tahay go'aan adag iyo balan adag oo aad la galayso naftaada, waan ogahay inaad isku dayday inaad samayso caaddo wanaagsan marar badan ,laakiin aadan ku guulaysan.
Waa maxay caaddo cusub?
Caddo cusub waa wax cusub oo aadan hore u samayn jirin oo aad rabto inaad kusoo kordhiso wax qabadkaaga maalinimo oo aad ogtahay haddii aad kusoo darto wax qabad maalmeedkaaga inay kuu horseedayso guul aduun iyo aakhiroba. Caaddada wanaagsi waa mida u eebe raali ka yahay.Samaynsadka caaddo cusubi waxa ay qaadataa muddo dhan {kow iyo la baatan casho ama sagaashan casho}.
Maxay yihiin hababka kaa caawinaya inaad caaddo wanaagsan aad samaysato?
- Ha kuu cadaato samaynteeda
- Ka dhig mid kusoo jiidanaysa
- Fududay oo ha isku adkayn samaynteeda
- Ka dhig mid aad ku dareemayso samaynteeda qanaaco
Caaddo kastaa waxa ay lee dahay meel lagu sameeyo ama hoy, macquul maahan qolkii aad u baratay marka aad soo gasho inaad wax ku daawaato inaad tiraahdo waxa aan u badalayaa qol wax akhris, sababtoo ah caaddada inaad wax ku daawato ayaa waxa ay ka tahay caadi, oo aad u samaynaysaa si aadan katarooli karin,maxaayeelay naftaadu jaa waa ogtahay qolka aad u socoto iyo waxa aaad rabto inaad ku samayo.
Sidee uga dhigi kartaa caadda cusub mid kuu cad?
Waxaad uga dhigi kartaa caaddada cusub mid kuu cad smaynteeda adoo isticmalaya foormulada tiraahda haddii aan sameeyo tan waxa aan samayndoonaa taa, tusaale ahaan haddii aan cabo koob kafay ah waxa aan akhrin doonaa afar bayj oo buug hebel ah.
Sidee uga dhigi gartaa mid kusoo jiidanaysa caaddada cusub?
Caaddada cusub waxa aad uga dhigi kartaa mid kusoo jiidanysaa oo adoo kuxiraya waxa ay tahay inaad samayso oo aadan ka tagi kariniyo iyo wax aad rabto inaad samayso ama naftaadu rabto.
Sidee uga dhigi kartaa caaddada cusub mid aan adkayn oo fudud samaynteeda?
Waxa aad igu dhigi kartaa caaddad cusub mid kuu fudud samayteeda oo adoo joogtaynaya, wax kastaa noloshaan waxa ay kaa dalbanayaan joogtayn.
Sidee baad uga dhigi kartaa caaddada cusub mid ku qancinaynaysa?
Waxa aad uga dhigi kartaa caaddada cusub mid ku qancinaysaa adoo isticmaalayaa qodobka ah is abaalmarinta, sababtoo ah waxa jira labo abaal marinood oo ay leeyihiin caaddooyinku waxa ayna kala yihiin mida soo deg degta iyo tan daahda.
Gunaanad!
Caaddo wanaagsan waad yeelan kartaa, laakiin marka hore waxa ay kaa dalbanaysaa samir, joogtayn iyo adoo tagaya meesha ay caaddadaasi ay ka tahay caadi.
Comments
Post a Comment