Skip to main content

Noqo the 1 percent!

Baro waxa aysan baran, akhri waxa aysan akhrin ,daawo waxa aysan daawan ,samay waxa aysan samayn, kuna dambay noqoshada xidiga ama xidigada laga tilmaamo bulshadaas.

Noqo the 1 percent!

Sidee ku noqon kartaa xidiga ama xidigada qura?

Waxaa ah wax maanku diido in aad samayso wax limada wax ay bulshada oo dhami samayso kadibna aad sugto natiijo ka duwan tii usoo baxday iyaga,Haddii aad ku naaloonayso in aad noqoto qof ka duwan bulshada waxaa waajib kugu noqonaysa in aad daahfurto waddo aan hore loo qaadin ama loo marin.

Nolosha xaga sare waa cidla!

Dadku sida ay u badan yihiin waxa ay joogaan nolosha xaga hoose ,iyagoo isku dagaalaya halkaas una baratamaya.Nolosha xaga hoose waa buuq, laakiin xaga sare waa cidlo sababtoo ah waxaa yar dadka taga halkaas ama gaara dabaqadaas, maxaayeelay dadka oo dhami waxa ay isdhiibaan inta ay kusii jiraan waddadii ay ku tagi lahaayeen xaga sare ee nolosha

Tagida xaga sare ee nolosha waxa ay kaa dalbanaysaa daddaal iyo in aad dhiddidka sayrto!

Waxa ay dhahaan dadka caajislowga ahi waxa ay qabtaan shaqo yar kadibna waxa ay isku qanciyaan intaas, halka dadka daddaalaa aysan la harin wax juhdi ah ,laakiin ay wali ka baqaan in ay noqodaan kuwo caajislayaal ah. Raadinta xaga sare ee noloshu waxa ay kaa rabtaa daddaal iyo dhabar adeeg, aakhiro iyo aduunba waxa ay kaa dalbanayaan juhdi in aad la timaaado.

Waad sii kufidoontaa inta aad kusii jirto waddadii aad ku tagi lahayd xaga sare ee nolosha!

Waxaa ah wax la hubo inaad sii kufidoonto inta aad kusii jirto waddadii ku gayn lahayd xaga sare ee nolosha, waa daali doontaa, inyar baad seexandoontaa, laakiin natiida dambe baad ku raaxaysan doontaa {it will pay off}.

Marna ha isdhiibin inta aad nooshahay!

Maalinta aan hubo in aad guul daraysatay waa malinta aad isdhiibto, maxaayeelay haddii aad kaliya rogto shaaga waxaa macquula in aad gari doonto xaga sare ee nolosha ama meesha aad ku hanwayn tahay.

Gunaanad!

Maanta daddaal, kuf oo kac boorkana iska jaf ama raaxayso maanta barina ku dambay xamaali iyo qoomamayn aan dhammaanayn.
Noqo the 1 percent!




Comments

Popular posts from this blog

Dhibku kulama dhalan,guntuba marbay gob noqotaaye,halkee lagaa haystaa adiga?

  Noloshaan qofkasta oo aad u tix galinayso xogaaba ha ahaatee in uu ku guulaystay waxa uu qabtay shaqada aad ka cararayso qabashadeeda. Waxaa ah wax la isku wada raacsan yahay in aakhiro iyo aduunba ay kaa dalbanayaan in aad labadaba u wada shaqaysato,laakiin innagu waxa aan aaminsanay wax aan waxba ka jirin {myth}  oo meel iska fariisiyo aduunkaan gaallo baa la siiyay,laakiin waxaa xaqiiqa in eebe ina faray in aan talosaarano ka dibna aan la imaano ficilkii. Sidee loo saxaa jihada ay ku socoto noloshaadu marlabaad? Xaqiiq waxaa ah sida ugu wanaagsan ay tahay in loo jiheeyo noloshaada waa in aad qabato maalinkasta  {day in and  day out} wixii dantu kuugu jirto,waxa aan kawada dharagsan nahay in aan lee nahay labo cadow waana nafteena iyo shaydaan kuwaaso nagu jiheeya qabashada waxa aan danta innoo ahayn naguna mashquuliya wax maalaayacni ah {trivial things} . Maxaa aynu ka aamin sanahay guusha? Waxa aynu u haysanaa ama nalaka dhaadhici yahay in  ay guushu tahay...

Waa markaaggii{It's your turn}!

In badan waa aad ku soo raaxaysatay daawashada guulaha cid kle, laakiin hada waxa ay soo gaadhay markaagii iyo markii aad ku raaxaysan lahayd guulahaaga,niyada lagu dhisanlahaa, laakiin waxa aan iswaydiinayaa waxa ku haysata iyo meesha laggaa haysto oo aad far u dhaqaajin la'adahay? Waxaa ah wax aynu kawada dharagsan nahay in aad ku raaxaysatay daawashada guulasha bini aadan adi kulamida ay xaqiijiyeen, dhashay hooyo lamida hooyodaadda, isku waddo soowada maray xagga dhalashada,waxba an ku dheerayn xaqiiqdii.Laakiin waxa kaliya oo lagu kala tagay waa sida uu qofku uga shaqaysiiyo maskxadiisa, wakhtigiisana uu uga faaidaysto.Cadkaan yarka ah ee jilicsan kuna jira meesha u dhaxaysa labaddaada dhegood, waxaa iska leh aboor, hadii adan uga faaidaysan sidii Eebe ugu talagalay in aad uga faaidaysato. Markaaggu waa hada,xili kale oo aad sugayso majirto,shalay waa ay tagtay waana taariikh,mana soo laabanayso,biri lama gaarin,mana ogid in aad gaarayso.Laakiin waxa aad hubtaa marka aad isfii...

Iyadoo rag ku baratamayaan in ay dayaxa shaah kusoo karsadaan,wixii aad usii joogto dhulka maanay doqoniino iyo isliidid aysan ahayn?

  Asaaggaa waxa ay ku baratamayaan in ay dayaxa shaah iyo kafay ay kusoo karsadaan,adna waxa aad ku qanacsan tahay sii joogitaanka dhuka, laakiin waxa aan iswaydiinayaa liidnimada inaa la'eg meesha ay kaaga timid mudane ama marwo? Kunoolaanshaha soomaaliya waxba kama khaldanee ee dhibku waa adiga! Soomaaliya waxa ay kamid tahay meel kamida dhulka uu Alle abuuray, dhulkuna isma badalee ee isbadalku waxa uu ku dhacaa bulshada ku nool deegaankaas.Mida aynnana fahansanayna ilaa hadda waa middaas,oo waxa aynu wada sugaynaa in ay soomaaliya hal mar{ all over sudden } is badasho inagga oo aan farqaadin, taasuna maahan sidii qaadir uu ugu talagalay dhulkaan.Ilaahay koreeye waxa uu ku sheegay quraankiisa in uusan badaleen qoom ilaa ay isbadalaan iyagu. Sidee laggaaga dhaqay maskaxda? Maskaxada aayaa laggaa dhaqay badalkeeda intii wax wanaagsan laguugu shubilahaa,taasuna waa mida keentay in uu noqdo fikikaarku mid aad u hooseeya oon lahayn tayo.Taasu waa mida keentay in aad xabadka u qa...