Skip to main content

Maxaa kaa hortaagan hadafyadaada ama qorsheyaashaada aad dajiso sanadkasta?

Waan ogahay in aad bilowgii sanadkaan cusub 2024 aad dajisatay hadafyo ama aad qorshaysay  qorshayaal aadna u sheegeysay naftaada inaad xaqiijin doontida sanadkaan dhexdiisa, laakiin iyadoo lamarayo bishii labaad ee sanadkaan cusub ay kaa kala yaacday, ana iswaydiinayso sidii aad dib ugu soo laaban lahayda baska.
aMxaa ka hortan hadafyadaada ama  aad dajisato sanaadkastaga
 Waa wax caadi ah inaad dajisano hadafyo ama goolal bilowga sanadkasta oo cusub anagoo u sheegayna nafaheena inaan gaari doonto hadafyadaas inta lagu guda jiro sanadkaas,laakin markii aan cabaar wadno aan is aragno anagooba wixiiba ka caajisnay, ayna naga hayn inaan sii wadno qorshayaashii aan dajisanay, laakiin wali ma iswaydiisay sababta?

Maxaa kugu keena inaad ka rajo dhigto hadafyadaada intuusan sanadku dhammaan?

Inaad ka rajo dhigto hadafyadaada intuusan sanadku dhammaan waxaa keena siyaabo badan , laakiin waxa aan kula wadaagayaa qayb ka mida haddii eebe idmo
  •  Go'aan inaad qaadato adoo xamaasadaysan
  • dajiinta hadafyo badan
  • dib u dhigid
  • adoo raba inaad wax kastaa aad u qabato boqolkiiba boqol
  • inaad dajisato qorshe adag oo kugu keeni kara hadhow inaad ka caajisto

Waa maxay inaad go'aan aad qaadato adoo dareemaya xamaasad?

Xamaasadu maahan wax kula jiraysa ama wax aad dareemayso markasta  intay jiraysoba waa muddo kooban, laakiin haddii aad go'aan qaadato adoo xamaasadaysan waxa ay kuu hor see daysaa inaad ka caajisto qorshayaashada ama aad qaban waydo marka ay kaa danto xamaasadaasi,laakiin badalkeeda waxa aad isku daydaa inaad ku salayso qorshayaashaada waaqiciga si ay kuugu fududaato inaad qabato qorsheyaashada adoo xamaasad dareemaya iyo adoon dareemaynba taasuna waxa ay ku fududaynaysaa inaada xaqiijiso hadafyadaada.

Waa maxay dajinta hadafyo badan ama qorshaynta qorshayaal badan?

Waxaa loola jeedaa inaad dajiso ama aad qorshayso hadafyo ama qorshayaal badan oo aadan gaari karin, sababtoo ah wax kastaa waxa ay dalbanayaan wakhti macquulna maahan inaada hadafyo badan aad ku gaarto muddo gaaban,Hadaba badalkeeda isku day inaad dajisato qorsheyaal aan badnayn aadna gaari karto. Ha qorshayn wax aad ogtahay in aad gaari karin sababtaydoontaba hanoqotee.

Sidee ayeey dib u dhigashadu u saamaysaa noloshaada?

Xaqiiqdii waxa aad maanta qaban karto waxa ay u badan tahay haddii aad dib u dhigto in aadan xili kale qabandoonin, sidaa awgeed isku day inaad waxkasta aad ku qabato xiligeeda, waan ogahay inaad mararka qaarkooda aysan kaa hayn inaad qabato, laakiin hadhagaysan codka daciifka ah ee ka yeeraya gudahaaga.

Waa maxay rabitaanka inaad rabto wax kastaa aad u qabato boqolkiiba boqol?

Waxa layiraado sidii larabay{ prefection}maahan wax jira macquulna maahan waxkastaa inaad u qabato sidii la rabay, laakiin badalkeeda iskuday inaad qabato wax un oo kimada wixii aad qorshaysatay habayaraatee taasuna waxa ay kuu horseedaysaa inaada xaqiijiso hadafyadaada.

Waa maxay dajinta qorshe adag oo hadhow kuu keeni kara inaad ka caajisto qabashadiisa?

Dajinta qorshe adag oo aadan gaari karin waxa ay kugu keenaysaa hadhow inaad ka caajisto oo iska dhaafto samayntiisa, taasuna waa mid kamida wax yaalaha kaa hortaagan inaad kaarto hadafyadaada nololeed, badalkeeda iskuday inaad dajisato qorshe fudud oo aad gaari karto.

Gunaanad!

Sanadkasta waa ka dhigi kartaa kii kuugu wanaagsanaa intaad noolayd, laakiin kaliya waxaa kaa xiga mayal adayg iyo in aadan isdhiibin.

 

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Dhibku kulama dhalan,guntuba marbay gob noqotaaye,halkee lagaa haystaa adiga?

  Noloshaan qofkasta oo aad u tix galinayso xogaaba ha ahaatee in uu ku guulaystay waxa uu qabtay shaqada aad ka cararayso qabashadeeda. Waxaa ah wax la isku wada raacsan yahay in aakhiro iyo aduunba ay kaa dalbanayaan in aad labadaba u wada shaqaysato,laakiin innagu waxa aan aaminsanay wax aan waxba ka jirin {myth}  oo meel iska fariisiyo aduunkaan gaallo baa la siiyay,laakiin waxaa xaqiiqa in eebe ina faray in aan talosaarano ka dibna aan la imaano ficilkii. Sidee loo saxaa jihada ay ku socoto noloshaadu marlabaad? Xaqiiq waxaa ah sida ugu wanaagsan ay tahay in loo jiheeyo noloshaada waa in aad qabato maalinkasta  {day in and  day out} wixii dantu kuugu jirto,waxa aan kawada dharagsan nahay in aan lee nahay labo cadow waana nafteena iyo shaydaan kuwaaso nagu jiheeya qabashada waxa aan danta innoo ahayn naguna mashquuliya wax maalaayacni ah {trivial things} . Maxaa aynu ka aamin sanahay guusha? Waxa aynu u haysanaa ama nalaka dhaadhici yahay in  ay guushu tahay...

Waa markaaggii{It's your turn}!

In badan waa aad ku soo raaxaysatay daawashada guulaha cid kle, laakiin hada waxa ay soo gaadhay markaagii iyo markii aad ku raaxaysan lahayd guulahaaga,niyada lagu dhisanlahaa, laakiin waxa aan iswaydiinayaa waxa ku haysata iyo meesha laggaa haysto oo aad far u dhaqaajin la'adahay? Waxaa ah wax aynu kawada dharagsan nahay in aad ku raaxaysatay daawashada guulasha bini aadan adi kulamida ay xaqiijiyeen, dhashay hooyo lamida hooyodaadda, isku waddo soowada maray xagga dhalashada,waxba an ku dheerayn xaqiiqdii.Laakiin waxa kaliya oo lagu kala tagay waa sida uu qofku uga shaqaysiiyo maskxadiisa, wakhtigiisana uu uga faaidaysto.Cadkaan yarka ah ee jilicsan kuna jira meesha u dhaxaysa labaddaada dhegood, waxaa iska leh aboor, hadii adan uga faaidaysan sidii Eebe ugu talagalay in aad uga faaidaysato. Markaaggu waa hada,xili kale oo aad sugayso majirto,shalay waa ay tagtay waana taariikh,mana soo laabanayso,biri lama gaarin,mana ogid in aad gaarayso.Laakiin waxa aad hubtaa marka aad isfii...

Iyadoo rag ku baratamayaan in ay dayaxa shaah kusoo karsadaan,wixii aad usii joogto dhulka maanay doqoniino iyo isliidid aysan ahayn?

  Asaaggaa waxa ay ku baratamayaan in ay dayaxa shaah iyo kafay ay kusoo karsadaan,adna waxa aad ku qanacsan tahay sii joogitaanka dhuka, laakiin waxa aan iswaydiinayaa liidnimada inaa la'eg meesha ay kaaga timid mudane ama marwo? Kunoolaanshaha soomaaliya waxba kama khaldanee ee dhibku waa adiga! Soomaaliya waxa ay kamid tahay meel kamida dhulka uu Alle abuuray, dhulkuna isma badalee ee isbadalku waxa uu ku dhacaa bulshada ku nool deegaankaas.Mida aynnana fahansanayna ilaa hadda waa middaas,oo waxa aynu wada sugaynaa in ay soomaaliya hal mar{ all over sudden } is badasho inagga oo aan farqaadin, taasuna maahan sidii qaadir uu ugu talagalay dhulkaan.Ilaahay koreeye waxa uu ku sheegay quraankiisa in uusan badaleen qoom ilaa ay isbadalaan iyagu. Sidee laggaaga dhaqay maskaxda? Maskaxada aayaa laggaa dhaqay badalkeeda intii wax wanaagsan laguugu shubilahaa,taasuna waa mida keentay in uu noqdo fikikaarku mid aad u hooseeya oon lahayn tayo.Taasu waa mida keentay in aad xabadka u qa...