Skip to main content

Ku noolaanshaha Soomaaliya cuddudaar kuu noqon maysee what are you waiting for?

 Waa aan ka dharag sanahay ku noolaanshaha soomaaliya in aysan kuu diyaarinayn nooca qof ee aad rabto inaa noqoto asaagaana aadan la tartami karin, wax aan badnayna aan laguugu shubin maskaxda, laakiin {it can not be an excuse }cuddudaar kuu noqon mayso!
Ku noolaanshaha soomaaliya cuddudaar kuu noqon mayso
Waxaa xaqiiiqa ina aysan go'aamin karin halka aad kaga nooshahay aduunka wax aad rabto in aad noqoto haddii aad la timaaddo rabitaan dhab ah qaadirkana aad talo saarato, aamintana in aad rumayn karto waxa maankaaga ku wayn, laakiin waan ka dharag sanahay ku noolaanshaha soomaaliya in aysan ku caawinayn,laakiin waxaa xaqiiqa inaad nooshahay qarni dahabi ah, qofkastoo dhintayna uu jeclaan lahaa in dib loo soo celiyo si uu wax uga qabsato.Waxa aad ku nooshahay aduun digital ah wax kastaana aad ka baranto onlineka aadna kaga shaqaysan karto sidoo kle.

Haddaba sidee uga faaidaysan kartaa qarnigaan dahibiga ah?

Waxaa jira siyaabo badan oo aad uga faaidaysan karto qarnigaan dahabiga ah, waxaan kula wadaagayaa talaabooyin  aad uga faaidaysan karto haddi eebe idmo, laakiin waxaan ugu tala galalay qof ay ka go'an tahay inuu sameeyo is badal dhab ah. Haddaba maxaa kamida talaabooyinkaas.
  • Gawrac luqada ingiriisiga ah ama sifiican u baro
  • Baro mid kamida xifadaha ugu lacagta badan qarnigaan
  • Talo saaro EEBE

Waa maxay faaidadda ay leedahay barashada luqada ingiriisiga ah?

Haddii aan runta kuu sheego wallaahay far maqaadaysid haddii aadaan gawricin luqaadan,maxayeelay waa wixii aad wax ku doonan lahayd ama aad wax ku raadsan lahayd,aqoonta ugu badan waxa ay ku qoran tahay luqada ingiriisinga ah, haddii adan gawricina waxa aad noqonaysaa qof dambeeya, qolka yar ka ahna ee dusha laaggaaga handaraabay ama lagguugu xiray baad kusii waaraysaa.

Maxaa kamida xirfadaha ugu lacagta badan 2024 ee ay tahay mid kamida in aad gowracdo ama aad sifiicanu barato?

  • Data Science and Analytics
  • Machine Learning and AI
  • Software Development
  • Digital Marketing
  • Cloud Computing
  • Sales and Negotiation
Haddii aad gawracdo ama aad sifiican u barato mid kamida xirfadahaan waxaa aan kuu damaanaad qadayaa inaad dhaqaale ahaan xor noqondoontid haddii eebe idmo.

Maxaan ula jeeddaa in aad talo saarato kii ku uumay?

Waxa aan shaki ku jirin haddii riyooyinka aad rabto in ay kuu riyoobaan uu qaadir ka maqan yahay, in aysan kuu xaqiiqoobi doonin, maxaa yeelay wax kastaa waxa ay ku jiraan gacmaha eebe.Hadaba eebe talo saaro,una noqo markasta kana bari in uu kuu rumeeyo waxa aad ku naaloonayso

Xaggee ka baranaysaa xirfadaha aan hore kuugu soo xusay?

Haddii aad tahay qof soo buuxiyay sharuudaha aan hore kugu soo xusay waxa aad iska diwaan galin kartaa{KIRON} oo ah haayad kaa caawinaysaa lacagta fiigaha ah ama lagaa qaadayo in aad qaadato course waxa ayna bilaash kaaga dhigaysaa in aad wax ka barato{coursera}.

Gunaanad!

Wax kasta noloshaan waa aad gaari kartaa,riyo kastaana waad rumayn kartaa haddii aad badasho{your mindset}.Listen to me carefully again, shaqay shaqo ma tahay ama shaqada yarta ah ee aad isku qancinayso kaama rabo, waxa aan kaa rabaa in aad buraha dhaqaajiso laagana yaabo wax qabadkaaga.
Eebe kuu rumay riyo kasta ee aad leedahay aamiin aamiin aamiin.
Ku noolaansha soomaaliya cuddudaar kuu noqomayso ee what are you waiting for







Comments

Popular posts from this blog

Dhibku kulama dhalan,guntuba marbay gob noqotaaye,halkee lagaa haystaa adiga?

  Noloshaan qofkasta oo aad u tix galinayso xogaaba ha ahaatee in uu ku guulaystay waxa uu qabtay shaqada aad ka cararayso qabashadeeda. Waxaa ah wax la isku wada raacsan yahay in aakhiro iyo aduunba ay kaa dalbanayaan in aad labadaba u wada shaqaysato,laakiin innagu waxa aan aaminsanay wax aan waxba ka jirin {myth}  oo meel iska fariisiyo aduunkaan gaallo baa la siiyay,laakiin waxaa xaqiiqa in eebe ina faray in aan talosaarano ka dibna aan la imaano ficilkii. Sidee loo saxaa jihada ay ku socoto noloshaadu marlabaad? Xaqiiq waxaa ah sida ugu wanaagsan ay tahay in loo jiheeyo noloshaada waa in aad qabato maalinkasta  {day in and  day out} wixii dantu kuugu jirto,waxa aan kawada dharagsan nahay in aan lee nahay labo cadow waana nafteena iyo shaydaan kuwaaso nagu jiheeya qabashada waxa aan danta innoo ahayn naguna mashquuliya wax maalaayacni ah {trivial things} . Maxaa aynu ka aamin sanahay guusha? Waxa aynu u haysanaa ama nalaka dhaadhici yahay in  ay guushu tahay...

Waa markaaggii{It's your turn}!

In badan waa aad ku soo raaxaysatay daawashada guulaha cid kle, laakiin hada waxa ay soo gaadhay markaagii iyo markii aad ku raaxaysan lahayd guulahaaga,niyada lagu dhisanlahaa, laakiin waxa aan iswaydiinayaa waxa ku haysata iyo meesha laggaa haysto oo aad far u dhaqaajin la'adahay? Waxaa ah wax aynu kawada dharagsan nahay in aad ku raaxaysatay daawashada guulasha bini aadan adi kulamida ay xaqiijiyeen, dhashay hooyo lamida hooyodaadda, isku waddo soowada maray xagga dhalashada,waxba an ku dheerayn xaqiiqdii.Laakiin waxa kaliya oo lagu kala tagay waa sida uu qofku uga shaqaysiiyo maskxadiisa, wakhtigiisana uu uga faaidaysto.Cadkaan yarka ah ee jilicsan kuna jira meesha u dhaxaysa labaddaada dhegood, waxaa iska leh aboor, hadii adan uga faaidaysan sidii Eebe ugu talagalay in aad uga faaidaysato. Markaaggu waa hada,xili kale oo aad sugayso majirto,shalay waa ay tagtay waana taariikh,mana soo laabanayso,biri lama gaarin,mana ogid in aad gaarayso.Laakiin waxa aad hubtaa marka aad isfii...

Iyadoo rag ku baratamayaan in ay dayaxa shaah kusoo karsadaan,wixii aad usii joogto dhulka maanay doqoniino iyo isliidid aysan ahayn?

  Asaaggaa waxa ay ku baratamayaan in ay dayaxa shaah iyo kafay ay kusoo karsadaan,adna waxa aad ku qanacsan tahay sii joogitaanka dhuka, laakiin waxa aan iswaydiinayaa liidnimada inaa la'eg meesha ay kaaga timid mudane ama marwo? Kunoolaanshaha soomaaliya waxba kama khaldanee ee dhibku waa adiga! Soomaaliya waxa ay kamid tahay meel kamida dhulka uu Alle abuuray, dhulkuna isma badalee ee isbadalku waxa uu ku dhacaa bulshada ku nool deegaankaas.Mida aynnana fahansanayna ilaa hadda waa middaas,oo waxa aynu wada sugaynaa in ay soomaaliya hal mar{ all over sudden } is badasho inagga oo aan farqaadin, taasuna maahan sidii qaadir uu ugu talagalay dhulkaan.Ilaahay koreeye waxa uu ku sheegay quraankiisa in uusan badaleen qoom ilaa ay isbadalaan iyagu. Sidee laggaaga dhaqay maskaxda? Maskaxada aayaa laggaa dhaqay badalkeeda intii wax wanaagsan laguugu shubilahaa,taasuna waa mida keentay in uu noqdo fikikaarku mid aad u hooseeya oon lahayn tayo.Taasu waa mida keentay in aad xabadka u qa...