Skip to main content

Dhibku kulama dhalan,guntuba marbay gob noqotaaye,halkee lagaa haystaa adiga?

 Noloshaan qofkasta oo aad u tix galinayso xogaaba ha ahaatee in uu ku guulaystay waxa uu qabtay shaqada aad ka cararayso qabashadeeda.
Dhibku kulama dhalan, guntuba y gob noqotaaye, halkee laggaa haystaa adiga?
Waxaa ah wax la isku wada raacsan yahay in aakhiro iyo aduunba ay kaa dalbanayaan in aad labadaba u wada shaqaysato,laakiin innagu waxa aan aaminsanay wax aan waxba ka jirin{myth} oo meel iska fariisiyo aduunkaan gaallo baa la siiyay,laakiin waxaa xaqiiqa in eebe ina faray in aan talosaarano ka dibna aan la imaano ficilkii.

Sidee loo saxaa jihada ay ku socoto noloshaadu marlabaad?

Xaqiiq waxaa ah sida ugu wanaagsan ay tahay in loo jiheeyo noloshaada waa in aad qabato maalinkasta {day in and  day out}wixii dantu kuugu jirto,waxa aan kawada dharagsan nahay in aan lee nahay labo cadow waana nafteena iyo shaydaan kuwaaso nagu jiheeya qabashada waxa aan danta innoo ahayn naguna mashquuliya wax maalaayacni ah{trivial things}.

Maxaa aynu ka aamin sanahay guusha?

Waxa aynu u haysanaa ama nalaka dhaadhici yahay in  ay guushu tahay in la qaato shahaadooyin kadibna aad guulaysatay,laakiin taasu waa mid ka foq waaqiciga ama xaqiiqada jirta,waxaa kle oo aan ka aamin sanahay qofka guulaystay in uu yahay qof nasiib badan wax shaqana aan qaban{talents or gifts}.

Sidee loogu guulaystaa aduun iyo aakhiroba?

Sida aynu wada ognahay guusheena aduun iyo aakhiroba waxa ay ku jirtaa xariga alle oo aan si toosa uwada qabsano, taasaynu aduun iyo aakhiroba ku liimaanaynaa.

Daddaal intee le'eg baa laggaa rabaa haddii aad ku taamaysid in aad guulaysato?

Sida aynu wada ognahay guusha dadaalkeedu waa in aad qabatid shay aad og tahay samayntiisa ay kuu hor see dayso horisocod,taas oo qabato marka aad dareemyso xammaasad iyo marka aadan dareemaynba aana joog tayso{consistency}, maxaa yeelay dhibka ina haystaa waxa uu yahay  qofku inuu halshay uu wakhti siin karin una samir dhigan karin.

Gunaanad!

Shaqada ay kaa dalbanayso wax kastaa oo aad rabtid in aad ka guul gaarto qabo ama daawo guulaha asaagaa kuna raaxayso bandhigyadooda.
Dhibku kulama dhalan ,guntuba marbay gob noqotaaye,halkee laggaa haystaa adiga?






Comments

  1. Haddii aad doonaysid in aad guulaysatid waa in aad ku bixisid juhdi iyo dadaal dheeraad ah oo aad saartid awoodada waxa ad rabtid inaad ku guulaysatid
    Markaas yoolkaagi iyo himiladadii waad gaadhaysaa

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Waa markaaggii{It's your turn}!

In badan waa aad ku soo raaxaysatay daawashada guulaha cid kle, laakiin hada waxa ay soo gaadhay markaagii iyo markii aad ku raaxaysan lahayd guulahaaga,niyada lagu dhisanlahaa, laakiin waxa aan iswaydiinayaa waxa ku haysata iyo meesha laggaa haysto oo aad far u dhaqaajin la'adahay? Waxaa ah wax aynu kawada dharagsan nahay in aad ku raaxaysatay daawashada guulasha bini aadan adi kulamida ay xaqiijiyeen, dhashay hooyo lamida hooyodaadda, isku waddo soowada maray xagga dhalashada,waxba an ku dheerayn xaqiiqdii.Laakiin waxa kaliya oo lagu kala tagay waa sida uu qofku uga shaqaysiiyo maskxadiisa, wakhtigiisana uu uga faaidaysto.Cadkaan yarka ah ee jilicsan kuna jira meesha u dhaxaysa labaddaada dhegood, waxaa iska leh aboor, hadii adan uga faaidaysan sidii Eebe ugu talagalay in aad uga faaidaysato. Markaaggu waa hada,xili kale oo aad sugayso majirto,shalay waa ay tagtay waana taariikh,mana soo laabanayso,biri lama gaarin,mana ogid in aad gaarayso.Laakiin waxa aad hubtaa marka aad isfii...

Iyadoo rag ku baratamayaan in ay dayaxa shaah kusoo karsadaan,wixii aad usii joogto dhulka maanay doqoniino iyo isliidid aysan ahayn?

  Asaaggaa waxa ay ku baratamayaan in ay dayaxa shaah iyo kafay ay kusoo karsadaan,adna waxa aad ku qanacsan tahay sii joogitaanka dhuka, laakiin waxa aan iswaydiinayaa liidnimada inaa la'eg meesha ay kaaga timid mudane ama marwo? Kunoolaanshaha soomaaliya waxba kama khaldanee ee dhibku waa adiga! Soomaaliya waxa ay kamid tahay meel kamida dhulka uu Alle abuuray, dhulkuna isma badalee ee isbadalku waxa uu ku dhacaa bulshada ku nool deegaankaas.Mida aynnana fahansanayna ilaa hadda waa middaas,oo waxa aynu wada sugaynaa in ay soomaaliya hal mar{ all over sudden } is badasho inagga oo aan farqaadin, taasuna maahan sidii qaadir uu ugu talagalay dhulkaan.Ilaahay koreeye waxa uu ku sheegay quraankiisa in uusan badaleen qoom ilaa ay isbadalaan iyagu. Sidee laggaaga dhaqay maskaxda? Maskaxada aayaa laggaa dhaqay badalkeeda intii wax wanaagsan laguugu shubilahaa,taasuna waa mida keentay in uu noqdo fikikaarku mid aad u hooseeya oon lahayn tayo.Taasu waa mida keentay in aad xabadka u qa...