Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2024

Noqo the 1 percent!

Baro waxa aysan baran, akhri waxa aysan akhrin ,daawo waxa aysan daawan ,samay waxa aysan samayn, kuna dambay noqoshada xidiga ama xidigada laga tilmaamo bulshadaas. Sidee ku noqon kartaa xidiga ama xidigada qura? Waxaa ah wax maanku diido in aad samayso wax limada wax ay bulshada oo dhami samayso kadibna aad sugto natiijo ka duwan tii usoo baxday iyaga,Haddii aad ku naaloonayso in aad noqoto qof ka duwan bulshada waxaa waajib kugu noqonaysa in aad daahfurto waddo aan hore loo qaadin ama loo marin. Nolosha xaga sare waa cidla! Dadku sida ay u badan yihiin waxa ay joogaan nolosha xaga hoose ,iyagoo isku dagaalaya halkaas una baratamaya.Nolosha xaga hoose waa buuq, laakiin xaga sare waa cidlo sababtoo ah waxaa yar dadka taga halkaas ama gaara dabaqadaas, maxaayeelay dadka oo dhami waxa ay isdhiibaan inta ay kusii jiraan waddadii ay ku tagi lahaayeen xaga sare ee nolosha Tagida xaga sare ee nolosha waxa ay kaa dalbanaysaa daddaal iyo in aad dhiddidka sayrto! Waxa ay dhahaan dadka caajislo...

Yaan laggaa tagin!

  Adoo ah jiilka lagu magacaabo{  z }loona qirsan yahay in aad tahay jiilkii ugu nasiibka badnaa uguna fursadaha badnaa ee soo mara koonkan ayaad dayacaysaa fursadahaas social mediana unasasho tagaysaa. Jiilka lagu magacaabo{  z } ayaa waxa loo tix galinayaa in uu yahay jiilkii ugu nasiibka badnaa ee ku noolaada aduunkan iyada oo ay ugu wacan tahay technologyida iyo sida ay wax kastaa ay isku badalayaan maalinkasta loona soo kordhinayo wax cusub. Maxaa ay uga qatan yihiin dhalinyarada soomaaliyeed is badalka ka socda aduunlka? Dhalinta soomaaliyeed waxa ay uga qantan yihiin in ay qayb ka noqdaan dadka dhaqaajinaya aduunkan waa in ay usoo nasasho tagaan baraha bulshada, maxaayeelay  isbadalka la sheegayoba waxa uu ka socdaa baraha bulshada, laakiin nasiibxumo dhalinta soomaaliyeed waxa ay u isticmaalaan dhanka xun,halka dhigoodna ay u isticmaalaan siddii ay wax cusub ugu soo kordhin lahaayeen koonkan. Siddee bay uga daba tagi karaan isbadalkaas dhalinyarada soomaaliye...

Dhibku kulama dhalan,guntuba marbay gob noqotaaye,halkee lagaa haystaa adiga?

  Noloshaan qofkasta oo aad u tix galinayso xogaaba ha ahaatee in uu ku guulaystay waxa uu qabtay shaqada aad ka cararayso qabashadeeda. Waxaa ah wax la isku wada raacsan yahay in aakhiro iyo aduunba ay kaa dalbanayaan in aad labadaba u wada shaqaysato,laakiin innagu waxa aan aaminsanay wax aan waxba ka jirin {myth}  oo meel iska fariisiyo aduunkaan gaallo baa la siiyay,laakiin waxaa xaqiiqa in eebe ina faray in aan talosaarano ka dibna aan la imaano ficilkii. Sidee loo saxaa jihada ay ku socoto noloshaadu marlabaad? Xaqiiq waxaa ah sida ugu wanaagsan ay tahay in loo jiheeyo noloshaada waa in aad qabato maalinkasta  {day in and  day out} wixii dantu kuugu jirto,waxa aan kawada dharagsan nahay in aan lee nahay labo cadow waana nafteena iyo shaydaan kuwaaso nagu jiheeya qabashada waxa aan danta innoo ahayn naguna mashquuliya wax maalaayacni ah {trivial things} . Maxaa aynu ka aamin sanahay guusha? Waxa aynu u haysanaa ama nalaka dhaadhici yahay in  ay guushu tahay...

Ku noolaanshaha Soomaaliya cuddudaar kuu noqon maysee what are you waiting for?

  Waa aan ka dharag sanahay ku noolaanshaha soomaaliya in aysan kuu diyaarinayn nooca qof ee aad rabto inaa noqoto asaagaana aadan la tartami karin, wax aan badnayna aan laguugu shubin maskaxda, laakiin  {it can not be an excuse } cuddudaar kuu noqon mayso! Waxaa xaqiiiqa ina aysan go'aamin karin halka aad kaga nooshahay aduunka wax aad rabto in aad noqoto haddii aad la timaaddo rabitaan dhab ah qaadirkana aad talo saarato, aamintana in aad rumayn karto waxa maankaaga ku wayn, laakiin waan ka dharag sanahay ku noolaanshaha soomaaliya in aysan ku caawinayn,laakiin waxaa xaqiiqa inaad nooshahay qarni dahabi ah, qofkastoo dhintayna uu jeclaan lahaa in dib loo soo celiyo si uu wax uga qabsato.Waxa aad ku nooshahay aduun digital ah wax kastaana aad ka baranto onlineka aadna kaga shaqaysan karto sidoo kle. Haddaba sidee uga faaidaysan kartaa qarnigaan dahibiga ah? Waxaa jira siyaabo badan oo aad uga faaidaysan karto qarnigaan dahabiga ah, waxaan kula wadaagayaa talaabooyin  aad...

Ku halaagsamida baraha bulshada{Social media}

 Waxa aad nooshahay xili ama wakhti la isku dagaalayo siddii laguu soo jeedin lahaa ama loo heli lahaa { your attention }aadna wali garwaaqsan, meeshii ay kuu jaydiyaan na aad iska raacayso, laakiin waxaa xaqiiga in ay ku guulaysteen waliba aad noqotay qaar kamida wax soo saarkooddii. Waa maxay ku halaagsamida baraha bulshadu{social media}? Ku halaagsamida baraha bulshadu waa adoo u isticmaala dhanka aan wanaagsanayn tasoo ay ka dhalato laqabsi ay adag tahay inaad iska jarto,uuna gaaro heer aadan qaban waxa aan iskaga ahayn xitaa uu kaagga horeeyo u cibaadaysigaa qadarkii ku uumay.Waxaa xaqiiq ah lana iska indha tiri karin inuu yahay baraha bulshadu seef labo afleh, afka aad dookhanaysona ay tahay adiga masuuliyadaadda. Waa maxay natiijooyinka aad ka helayso ama aad ka dhaxlayso marka aad u isticmaasho baraha bulshada dhanka aan wanaagsanayn? Sida iska cad marka aad u isticmaasho baraha balshada dhanka aan wanaagsanayn, natiijooyinka aad ka dhaxlayso ama aad ka sugayso waa kuwo aan...

Maxaa kaa hortaagan hadafyadaada ama qorsheyaashaada aad dajiso sanadkasta?

Waan ogahay in aad bilowgii sanadkaan cusub 2024 aad dajisatay hadafyo ama aad qorshaysay  qorshayaal aadna u sheegeysay naftaada inaad xaqiijin doontida sanadkaan dhexdiisa, laakiin iyadoo lamarayo bishii labaad ee sanadkaan cusub ay kaa kala yaacday, ana iswaydiinayso sidii aad dib ugu soo laaban lahayda baska.  Waa wax caadi ah inaad dajisano hadafyo ama goolal bilowga sanadkasta oo cusub anagoo u sheegayna nafaheena inaan gaari doonto hadafyadaas inta lagu guda jiro sanadkaas,laakin markii aan cabaar wadno aan is aragno anagooba wixiiba ka caajisnay, ayna naga hayn inaan sii wadno qorshayaashii aan dajisanay, laakiin wali ma iswaydiisay sababta? Maxaa kugu keena inaad ka rajo dhigto hadafyadaada intuusan sanadku dhammaan? Inaad ka rajo dhigto hadafyadaada intuusan sanadku dhammaan waxaa keena siyaabo badan , laakiin waxa aan kula wadaagayaa qayb ka mida haddii eebe idmo   Go'aan inaad qaadato adoo xamaasadaysan dajiinta hadafyo badan dib u dhigid adoo raba inaad wax k...

Sidee loo samaystaa caaddo wanaagsan

Waa ay adag tahay inaad samaysato caaddo cusub oo wanaagan oo aadan hore u samayn,laakiin waxa ay u baahan tahay go'aan adag iyo balan adag oo aad la galayso naftaada, waan ogahay inaad isku dayday inaad samayso caaddo wanaagsan  marar badan ,laakiin aadan ku guulaysan. Waa maxay caaddo cusub? Caddo cusub waa wax cusub oo aadan hore u samayn jirin oo aad rabto inaad kusoo kordhiso wax qabadkaaga maalinimo oo aad ogtahay haddii aad kusoo darto wax qabad maalmeedkaaga inay kuu horseedayso guul aduun iyo aakhiroba. Caaddada wanaagsi waa mida u eebe raali ka yahay.Samaynsadka caaddo cusubi waxa ay qaadataa muddo dhan   { kow iyo la baatan casho ama sagaashan casho }. Maxay yihiin hababka kaa caawinaya inaad caaddo wanaagsan aad samaysato? Ha kuu cadaato samaynteeda Ka dhig mid kusoo jiidanaysa   Fududay oo ha isku adkayn samaynteeda Ka dhig mid aad ku dareemayso samaynteeda qanaaco Caaddo kastaa waxa ay lee dahay meel lagu sameeyo ama hoy, macquul maahan qolkii aad u baratay ...

Waa maxay farqiga u dhaxeeya abaalmarinta ama natiijada soo deg degta iyo tan daahda?

  Waxa aynu joogna aduun aynu  doonayno waxkastaa inaan si deg deg ah ku helno ama ku dhacaan isla marka aynu farqaadno, anooga fiirinayna sida technologyadu ay isu badashay sida aad iyo aadka xawliga u ah, laakiin bini aadanka sidaa waxba uguma shaqeeyaan. Samaynta caaddo noocaydoontaba ha ahaatee waxa ay kusiisaa natiijooyin ama abaalmariino,kuwaasoo loo yaqaano ama loogu yeero natiijada deg dega ah iyo tan dambe ama abaalmarinta deg dega ah iyo tan dambe oo loola jeeddo mida aad hesho muddo dheer kadib. Waa maxay abaalmarinta ama natiijada deg dega ah? Natiijada ama abaalmarinta deg dega ahi waa mida aan helo muddo yar kadib oo aan wax samayno ama aan bilaabno samaynta caaddo cusub, sida inaad dareento farxad ama aad ku raaxaysato samaynteeda.Hadaba natiijooyinka ama abaalmarinooyinka deg dega ah waxaa ina siiya samaynta caaddooyinka aan wanaagsanayn. Maxaa kamida caddooyinka aad ka hesho natiijooinka deg dega ah oo ku faraxad galiya? sigaarka Daawashada aflaanta xun xun Ku...