waxaa macquula inaad marar badan aad iskudayday inaad joojiso caado xun,laakiin mudo yar kadib aad dib ugu soo laabatay samaynteeda, aadna qaatiyaan ka istaagtay arintaa iyada ah, laakiin waa sidee sida ugu wanaagsan ee loojiyo, go'aanka ugu dambeeyana looga qaato.
Waa maxay caaddo?
Caaddadu waa wax aad qamatintay samaynteeda muddo aad u dheer aadna kusoo celcelisay.Caaddu waxay ku samaynsataa muddo boqol cisho ah ama kow iyo laabaatan, kadibana waxay kuu noqotaa wax aad samayso maalinkasta.Caadooyinka waxaa loo qaybiyaa labo qaybood.
- Caado wanaaagsan.
- Caado xun.
Waa maxay caaddo wanaagsan?
Caaddada wanaagsani, waa caadda tan wanaagsan taaso samaynteeda aan wax u dhimayn noloshaada kuuna horseedaysa horomarka nafeed, waxaa wanaagsan inaad lahaato caaddo wanaagsan si aad u hormariso noloshaada. Waxaa jira caaddooyin ay tahay inaad lahaato haddii aad doonayso inaad ku noolaato nolol wanaagsan qaadirna uu raali ka yahay, waxaana kamida kuwaaan hoose
- caaddo wax aakhris
- Caaddo kicid xili hore, ka hor salaada fajarka
- caaddo jimicsi
- caaddo quraan akhris
Waa maxay caaddo xun?
Caaddada xumi, waa caadda samaynteeda uusan eebe raali ka ahayn, adigana kuu horseedaysa samaynteeda khasaaro aduun iyo mid aakhiroba.Hadaba caaddooyinka xumi way faro badan yihiin, waxaana jira kuwo farabadan ayna dadku la nool yihiin, hadaba waxaan kuugu xusayaa hoos qaar kamida caaddoyinka xun.
- Daawashada aflaanta anshaxa daran ama xun
- cabista sigaarka
- cunista qaadka
- kulumista wakhtigaaga oo dhan isticmaalida tilifoonkaaaga
Hadaba kuwaasi waa qaar kamida caaddooyinka aan wanaagsanayn ayna tahay haddii aad samayso miduun kamida inaad joojiso sida ugu dhakhsiyaha badan maxaa yeelay waxay dilayaan mustaqbalka nooloshaada aduun iyo aakhiroba. way yara adag tahay inaad joojiso caaddo aan wanaagsanayn taaso aad soo samaynaysay muddo dheer,laakiin waxaad ku joojin kartaa go'aan adag iyo tala saarasho eebo kadib.
Sidee loo joojiyaa caaddo xun ama looga istaagaa samaynteeda?
- Ka dhig mid aan kusoo jiidanayn samanteeda
- Adkay samaynteeda
- Ka dhig mid aan ku qancinayn samaynteeda
- Talasaaro ALLE
- Qaaddo go'aan adag oo kama dambays ah
- ka fogow hoygeeda
Gunaanad!
Caaddo kastaa oo xun waxay leedahay hoy ama meel lagu sameeyo si aadan kaan tarooli karin. Hadaba waad joojin kartaa caaddo kasta oo xun awoodaana qaadir waa kusiiyeeyay, laakiin waxay u baahan tahay qaraar adag iyo ka go'naasho.
Great topic
ReplyDelete