Waxaaad aad ugu dhiban tahay inaad fahanto figrada ah hormarinta nafta, waxaa macquul ah inaad wax ka daawatay ama aad ka dhagaysatay mowduucaas, laakiin wali aad meeshaadii aad taagan tahay farna aadan dhaqaajin.
Waa maxay hormarinta nafta?
Hormarinta naftu waxaa habka loo hormariyo kartida qofeed, xirafadahaaga aqooneed,maan hagaaga iyo xoojinta ku xirnaashaha ELLE, si aad u hormariso noloshaada.
Figradaan ah hormarinta nafta waxay soo jiitamaysay muddo aad u dheer iyadoo soona martay heerar kala duwan lagana qoray buggaaga aad u fara badan.
Sidee ku hormarin kartaa naftaada?
- see xashada xili hore
- kicitaanaka xili hore
- xoojinta xariga ALLE
- koobcinta maankaaga, adoo bilaabaya wax akhriska
- barashada xirfad, taasoo aad ka samayso lacaga wanaagsan
- jimicsiga
- cunista cunto caafimaad qabta
- cabida biyo kugu filan maalin kasta
Waa maxay faaiddada seexashada xili hore?
See xashada xili hore waxay kaa caawinaysaa inaad xili hore toosto, una kacdo gudashada cibaadada ALLE, qofka seexda xili hore maalinkasta waxaa aad ugu fudud inuu tooso xili hore.
Maxaa laga faaiddaa kicitaanka xili hore?
kicitaanka xili hore waxay kaawinaysaa inaaad ahaato maalintaaada oo dhan qof firfircoon oo howl maalmeed kiisana u qabsan kara si aad u wanaagsan, iskumid ma tihin maalinta aad kacdo xili hore iyo maalinta aadan kicin , qofka toosa xili dabe maahan qof firficoon una qabsan kara howl maalmeedkiisa sitoosan. Wuxuu nabigeeni (scw)xadiis inoogu sheegay in aroortii xiliga hore ay tahay xiliga irsaaqada la baxiyo, anagoo ka fahmaynaa xadiigaas faaidada ay lee dahay inaad caado ka dhigato toositaanka xili hore maalinksata.
Waa maxay xoojinta xariga ALLE?
Xoojinta ariga ALLE waxaa weeye inaad sitoosa aad u qaadato wixii qaadir ku faray iskagana tagto wuxuu kaa reebay.Haddii aadan sitoosa eebe aadan ugu xirnayn waxaad iska ilowdaa inaad xaqiijiso hadafyadaadda.
Waa maxay kobcinta maankaanka?
Kobcinta maankaanku waa inaad laa saaxiibto akhrinta buuggaagta, waxay dhahaan qof wax akhriyaa wuxuu noolaadaa saddex qarni, kan uu hada nool yahay, kan uu wax ka akhrinaayo iyo kan soo socda oo uu saadaalin karo siday wax noqon karaan.
Jirku wuxuu quutaa cunto, maskaxduna waxay quutadaa akhrinta buuwaagta.
Waa maxay faaidada ay leedahay inaad barato xirfad?
Barashada xirfad waxa ay kaa caawinaysaa inaad yeelato xirfad aad adigu leedahay, waxkastaa waa kaa burburi karaan laakiin aqoontaadu waa wax kaliya ee kuu haraya. Barashada xirfada aad ka samayso lacag wanaagsan waxa kale oo ay kaa ciwanaysaa inaad ka adkaato bilashaada.
Waa maxay faaidada jimicsigu?
Faaidada jicmicsigu waxaa weyee inaad yeelato jir qurux badan, aadna ka badbaado xanuunada ku dhaca qofka marka uusan jimsan.Jimicsigu waa noocyo badan yahay,laakiin waxaa wanagsan inaad samayso kii aad awoodo, khasab maahan inaad gymka tagto, waxaa jira kuwo kale oo aad ku samayn karto adoo jooga gurugaa.
Waa maxay faaiddada cunista cunto caafimaad qabta?
Qofkastaa waxaa kasoo muuqda waxaa uu cuno ama uu calooshiisa galiyo,hadaba cunusta cunto caafimaad qabataa waxay kaa caawinaysaa inaad ahaato qof caafimaad qaba, kana badbaada xanuunada laga qaado cuntooyinka wasakhaysan.
Faaiddada cabista biyo kugu filan?
Waxa aynu kawada dharegsan nahay faaidada ay inoo leeyihiin biyuhu.Dhakhaatiirtu waxay ka dhawaajiyeen in qofku ku bilaabo cabidda biyo marka uu soo toosoo in tuusan wax cunin ama wax kale cabin, iyagoo kasoo xiganaya cilmi baaris ay sameeyeen.
Comments
Post a Comment